Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Oo Faiin Kulul U Diray Maamul Goboleedyada Qaarkood

Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Kusimaha madaxweynaha Maxamed Sheekh Cismaan oo shalay ka hadlayay shirkii wada tashiga ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Maamul goboleedyada inay dantooda gaarka ah iyo danta guud kala saaraan.

Jawari oo fariin u dirayey madaxda maamul goboleedyada ayaa yiri: “Marxalada aan maanta galnay caadi ma ahan, anagoo shaqadii caadiga nagala rabo inaan fulino iyo baarlamaanka oo laga rabo shuruucdii caadiga inuu socodsiiyo ma ahan arrin fudud waxaa la idinka doonayaa inaad niyad samida abaartaan wanaagga guud oo Soomaaliya dan u ah ka wada shaqeysaan”

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Maanta waa laga baxayaa tii gaarka aheyd, si aan u gaarno dowladnimada dhaqan dimoqraadi dalka ha lagu dhaqo, ha laga baxo gobolkeyga ee aan u duubano Soomaalinimo”

Fariinta uu diraayo gudoomiye Jawaari ayaa ah mid si dadban uu ugu weeraraayo maamulka Puntland oo Villa Somalia looga arko mid si toos ah tooshka ugu ifiyo wax isdaba marinta iyo musuq maasuqa ka dhex jiro Villa Somalia.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE