Ma Guuleystay Hadafkii Cali Nuure (Cali Takfiir) Uu Ka Lahaa Degmada Marka?

Waayahaan dambe waxaa aad u yaraatay in la helo qof nadiif ka ah wax walbo oo bulsho caafimaad qabto ay raadineyso. Waxyaabaha bulsho caafimaad qabto ay raadineyso ama ay ku taameyso inay hesho waxaa ugu horeeyo 3 walxaatood oo kala ah : Caafimaad (Isbitaalo), Waxbarasho (Jaamacado/Iskuulo) iyo Biyo nadiif ah.

Haddii bulshada hesho 3-dan shey ee aan kor ku soo xusay waxaa marag ma doonto ah in bulshadaasi waqti kooban la jaan qaadeyso bulshadaha caalamka isla markaasina horumar la taaban karo ku gaareyso waqti kooban.

Dhismaha bulsho kasto wuxuu ka bilowdaa heer Tuulo wuxuuna sii maraa heer Degmo ilaa uu ka gaaro heer gobol. Tuuladii ama Degmadii uu maamulkeeda xumaado waxay ka dhigan tahay inay ka hartay asaageeda ama Tuulooyinka ama Degmooyinka la midka ahaa ee ku yaalla gobolada kale ee dal leeyahay.

Haddii aan tusaale u soo qaato degmada Marka oo sanooyinkii u dambeeyey Villa Somalia looga soo abaabulayey in laga nabaad-guuriyo ama laga tirtiro dadkii asalka u laha degmadani ayaa waxa ay degmadan lagu imtixaanay dad si xun u fakaraayo. Degmada Marka waxaa laga baabi’iyey 3-dii udub ee bulsho ku taagneyso, waxaad arkeysaa in:
1- Isbitaalkii degmada Marka ay xoog ku qabsadeen dhagar-qabeyaal dadka ku duraayo cudurka HIV/AIDS si cudurkaasi ugu faafo dadka deegaanka dhexdooda. Waxaa xusid mudan in waqti aan fogeyn Isbitaalka degmada Marka ay dhagar qabeyaasha u bedeleen adeegyadii Isbitaalka meel lagu baxnaaniyo dadka qabo cudurka HIV/AIDS taasoo dadka aysan fahamsaneyn xiligaani. Dhaqtar ka soo shaqeeyey Isbitaalka Marka ayaa xaqiijiyey in Isbitaalka la keeni jiray burcad badeed laga keeni jiray degmada Xarardheere oo qabo cudurka HIV/AIDS, ujeedadana waxay ahayd in bukaanka laga keenay Xarardheere cudurkiisa lagu talaalo dadka deegaanka si loo baabi’iyo jiritaankooda.

2- Iskoolkii weynaa ee Al-Raxmaan – waxaa saldhig looga dhigay maleeshiyo beeleed Hawiye ah oo sheeganayo inay yihiin ciidan dowladeed.

Si loo fuliyo ajendayaasha gurracan iyo ahdaafta fog ee ah baabi’inta jiritaanka dadka asalka ah ee degmada Marka, dhagar qabeyaasha waxay adeegasadaan shakhsiyaad gudoomiye lagu sheegaayo oo laga soo dhaadhiciyey barnaamij faruuraha in laga sheego ku macaan oo aan qalbiga jirin, hay’ad loo bixiyey “Tubta Nabadda” ayaa fuliso howlahaasi.Hay’adahaas waxaa ka mid ah hay’adda Seminaarada soo siisay gudoomiye Xasan Cumareey ee magaceeda la yiraahdo “Tubta Nabadda”….

Tolow xagee jirtay hay’ad beeleedda “Tubta Nabadda” sanadkii hore 2014ka markii maleeshiyaadkii Hawiye ee Xamar laga soo abaabulay ay afgembiyeen gudoomiyihii degmada Marka oo shaqadiisa watay?

Haddii aad tihiin waxgaradka beesha Biimaal, Xageed ku ilowdeen dadkii guryahooda la gubay xilli bil Ramadan lagu jiray? Xageed ku ilowdeen haweenkii la kufsaday xili bil Ramadan ahayd? Xagee ku ilowdeen caruurtii gaajada duurka ku rafaadisay kadib markii guryahooda laga qaxiyey?

Dhibaatadaas waxaa hormuud u ahaa Cali Nuure (Cali Takfiir), wuxuu ku dhaartaa in degmada Marka uu ka tirtiri doono beesha Biimaal, waxaa lagu xasuustaa sanadkii 2014-ka isagoo wacad ku maraayo inuu bedeli doono gudoomiyaha degmada Marka ee xiligaas jiray Maxamed Yariisow. Runtii wuu bedelay wuxuuna la yimid nin la soo carbiyey oo Biimaal ah waa Xasan Cumareey, Cali Takfiir wuxuu ku guuleystay inuu Biimaal kala qaybiyo. Maanta rasaastii loo wado horjooge Cali Nuur waxay ku dhacaysaa wiil Biimaal ah.

Haddii waxgaradka, aqoonyahanada, odeyaasha dhaqanka ee ka soo jeedo degmada Marka ay raali ka noqdeen in dadkooda lagu seeyo ama lagu duro saliingooyin HIV/AIDS si loo ciribtiro, hadda miyaaney habooneyn in Xasan Cumareey aan u hambalneyno?

Haddii Culimaa’uddiinka iyo waxgaradka beesha Biimaal ay go’aan mideysan qaadan lahaayeen waxaa meesha ka bixi lahaa damaca mooryaanta Habargidir ee maanta gaaray inay isku xoqaan jufooyinka beesha Biimaal, sidoo kale waxaa soo laaban lahaa rajada dhalinyarada degmada Marka ee mustaqbalkooda ay aafeeyeen mooryaanta uu horkacaayo Cali Takfiir.

Hadafka horjooge Cali Nuure ee ah  ciribtiridda beesha Biimaal wuu guuleystay maadaama uu magaalada Marka  uu keensaday gudoomiye Biimaal ah oo Ajendahiisa gurracan kala shaqeynaayo.

WQ: Cabdi Ciise

Tukulush@yahoo.con

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE