Xarakada Alshabaab “Nicholas Kay Dirqi Ayuu Shaley Nooga Baxsaday, 6 Ajnabi Caddaan Ah Ayaan Dilnay”

Warbaahinta Xarakada Al-shabaab ayaa lagu baahiyey in Weerarkii ka dhacay Shalay Albaabka laga galo Madaxtooyada Soomaaliya ay Alshaab ku dileen Ajaanib Cadaan ah oo Tiradooda gaareyso ilaa 6 Ruux.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Saddex kamid ah 6-da qof ay u dhasheen Wadanka Poland, halka Saddexda kale ee soo hartay ay u dhasheen dalka Turkiga.

Warar Madax banaan oo Xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab ma jiraan balse waxaan shaki ku jirin in Dadka weerarkii Qaraxa ku dhintay shaay ay ku jiraan Muwaadiniin Ajnabi ah oo qaarkood dhashay Wadanka Turkiga.

Xarakada Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in Qaraxa Ujeedkiisa uu ahaa Nickolas Kay balse uu dirqi ku badbaaday.

Qaraxii shaley ka dhacay Villa Somalia ayaa waxyeelo xooggan gaarsiiyey shaqaalaha UN-ka Somalia, waxaana la xaqiijiyey in mid ka mid ah gawaaridii galbin lahayd Nicholas Kay uu qaraxaas burburiyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE