Askari Yahuud Oo Si Arxan Darro Ah U Dilay Gabar Arday Ka Ahayd Jaamacad (Sawiro)

Hadiil Saalax al-Hashlamon oo ah gabar reer Falastiin 19-sabo jir isla markaasina ahayd arday jaamacadeed ayaa waxaa bar Kontarool ay ku sugnaayeen askarta Yahuuda ku toogtay mid kamid ah askarta arxan darrada ku caan baxday ee Yahuudda.

Askariga ayaa marmarsi ka dhigtay in gabadha ay ku soo weerartay Toorrey taasi oo keentay inuu rasaas oodda ugu qaado. Rasaastii uu ku furay ayaa Hadiil waxaa ka soo gaaray dhaawac halis ah kaa oo ugu dambeyn ay u geeriyootay sida uu aabaha gabadha sheegay Saalax al-Hashlamon.
1 1a 2 3 4

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE