Caruur Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Soo Gaartay Bambaano Ay Ku Ciyaarayeen Oo Ku Qaraxday

 Wararka ka imaanaayo tuulada Dancade ee hoostagta degmada Jowhar ee  Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in saakey halkaasi ay ku geeriyoodeen caruur tiradooda gaareyso labo ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Caruurta ayaa geeriyooday kadib markii uu ku qarxay Bambaano ay ku ciyaarayeen taasi oo keentay inay naftooda ku waayaan.

 

Ehelelada caruurta ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawac caruur kale oo ku waxyeeloobay dhacdadan loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdishu si halkaasi loogu sameeyo adeegyo caafimaad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE