Xarakada Alshabaab Oo Sheegatay Qarax Ka Dhacay Mandhera Oo Lagu Laayey Askar Kenyan Ah

Wararka laga helaayo magaalada Mandhera ee gobolka Soomaalida Kenya ayaa sheegaayo in qarax lala eegtay askar Kenyan ah oo halkaasi ku sugnaa.

Illaa saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugan Magaalada Mandhera  ayaa qaraxa ku geeriyootay halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa lala bartilmaameedsaday ciidamada oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa la geliyey goobta  ku taallo xadka oo ciidamada Kenya ay ku baaraan badeecadaha iskaga kala goosho Somalia iyo Kenya (Kastamka)

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaasi waxayna sheegashadooda sii raaciyey in howsha qaraxa u dhacday sidii loo qorsheeyey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE