Xujey Badan Oo Maanta Ku Geeriyootay Mina, Boqolaal Dhaawacantay iyo Dad Soomaaliyeed Oo Ku jira Dadka Geeriyoodey (Sawiro)

War kasoo baxay Waaxda Difaaca ee Wadanka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay sii kordheyso tirada dadka xujeyda ah ee ku geeriyoodey Mina.

Dadka geeriyoodey ayaa lagu sheegay 718 ruux waxaana lasoo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan oo tiradooda lagu qiyaasay 863 oo kale, waxaana warka waaxda difaaca ee Dalka Sacuudiga lagu sii daray in ay jiri karto saacad kasta in ay kororto tirada dadka xujeyda ah ee wax ku noqday shilka.

Xujeyda Geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay ayaa sababsaday isriix riixa ama isjiirid dhex martay markii xujeyda ay u socdeen dhagax tuur iyo qaar ka mid ah xujeyda oo soo laabtay waxaana taasi ay keentay in ay boqolaal dhintaan boqolaalna dhaawacmaan.

Dadka goobtaas wax ku noqday ayaa u badan dad da’ ah oo doonayey in ay gutaan xajka Sanadkan, waxaana kooxaha gurmada deg dega ay dadka u qaadeen goobaha caafimaad si loo baxnaaniyo.

Waxaa lasoo sheegayaa in ay jiraan laba qof oo Soomaali ah oo ka mid noqday kuwa maanta ku geeriyoodey Mina.

Labada qof ayaa kasoo kala jeeda gobolada waqooyin Bare ee Keniya iyo Magaalada Hargeysa weli si sax ah looma helin magacyadan laba xaaji.

Mina8 Mina9 Mina91 Mina93 Mina94 Mina95 Mina96 Mina97 Mina98 Mina99 Mina992 Mina993 Mina994 Mina995

Saudi police and national guard are deployed to the area of a stampede in the Mina valley near the Saudi holy city of Mecca Thursday. Officials say hundreds of people were killed.

Police vehicles drive past pilgrims on a road in Mina, near the holy city of Mecca September 24, 2015. REUTERS/Ahmad Masood

An ambulance drives towards the camp city at Mina, near the holy city of Mecca September 24, 2015. REUTERS/Ahmad Masood

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE