Daawo Mid Ka Mid ah Masaajida Ugu Weyn qaarada Yurub Oo Laga Hirgeliyey Wadanka Ruushka

Magaaalada Moscow ee Caasimada Dalka Ruushka ayaa waxa laga furay mid ka mid ah masaajida ugu waa weyn qaarada Yurub,kaas oo hal mar ku tukan karaan ku dhawaad 10,000 dad Muslimiin ah.

Wadanka Ruushka ayaa waxa ku nool Muslimiin gaareysa ilaa 2, milyan oo u baahnaa in ay helaan masaajido tira badan si ay ugu gutaan cibaadada Alla uu ku waajibiyey.

Munaasabada lagu daah furayey Masaajidkan ayaa waxa ka qeyb galay Marti Sharaf kala duwan, waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan iyo Madaxweynaha Dalka Falstiin Maxamuud Cabaas Abuu Maazim iyo Marti sfaraf kale oo Muslimiin ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ka hadlay furitaanka Masjidka ayaa uu sheegay inuu soo dhaweenayo dhismaha Masaajidkan iyo faafinta diinta wanaagsan ee Islaamka, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in lala dagaalmo kooxaha sumcada xumada kuwada Islaamka sida ISIS oo uu sheegay in muslimiinta meel uga soo wada jeestaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE