Dadka Soomaaliyeed Oo Maanta Si Isku Mid ah Ugu Dabaal Degay Farxada Ciidul Adxa iyo Degmooyin Uu Isbedel Ka Dhacay

Guud ahaan Umada Soomaaliyeed Oo ku sugan Gobolada kala duwan Ee Dalka ayaa si isku mid ah manta ugu dabaal degay Munaasabada farxda Ciida.

Qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa looga bartay in ay isku khilaafaan maalmaha farxada ciida waxaana jiray khilaaf sababay in laba maalin la kala ciido, waxaana ugu dambeeyeyCiidii ugu dambeysan ee Fidriga.

Goobaha ay maamushao Kooxda ahlu sunnah ee  ka tirsan bartamaha Soomaaliya ayaa maanta dadka Soomaaliyeed kala mid ahaa goobaha laga tukaday Salaada Ciida.

Sidoo kale Shabeelada hoose qeybo ka mid ah ayaa salaada Ciida ee bishii shawaal laba maalin la kala ciiday waxaana jiray khilaaf.

Shabeelada hoose degmooyin ay horey gacanta ugu hayeen Ciidamada amisom ayaa galay isbedel ka dib markii ay la wareegeen dagaalyahaanada shabaab, waxaana degmooyinkaas ka mid ah Kuntuwaarey iyo Janaale oo Maanta fagaarayaal ku yaala Degmooyinkaas ay dadku ku tukadeen salaada Ciida.

Maanta oo ah Maalinta tobnaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay ku ciidayaan farxad, waxaana jiray in Maamlintii shalay dadku ay qabeen maalinta sagaalaada ee Bisha oo ay Soonnaayeen Soon Suna ah.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE