Maleeshiyada Kaaba Mooryaan Cali Cilmi Oo Maanta Albaabada U Laabay Misaajidka Abuu Hureyra Ee Magaalada Marka

Maleeshiyada gabaadsaneysa Dhismaha hey’ada beeleeda Swiss kalmo ee xooga uu ku heysto Kaaba Mooryaan Cali Cilmi ayaa maanta albaabada u laabay Misaajidka abuu hureyra.

Misaajidkan ayaa ku yaala xaafada Horseed Ee Magaalada Marka, gaar ahaan dhabarka dambe xarunta Swiss (Megdo) ee xaafada horseed.

Maleeshiyada ayaa dadka u diiday in Misaajidka lagu tukado Salaada Ciida oo ay soo xaadireen dad badan ka agdhawaa eeriyadaas.

Maleeshiyadan ayaa u sheegay shacabka in ay ogoleen mashquulka iyo isku imaatinka goobaha u dhow xaruntooda oo ay ku tilmaameen in ay kusoo dhuuman karaan Dad carqaladeenaya amaanka hey’ada Swiss oo lagu naas nuujinayo mooryaanta habar gidir.

Dad careysan oo Masjidka laga xirtay ayaa tagay masaajiddo kale oo horey ay ugu socotay Takbiirta Ciida waxaana ay ku biireen dadka takbiirsanayey.

Sida ay soo sheegayaan dadka Masaajida laga xirtay ee Marka ku dhaqan ayaa arintaas ku tilmaamay kuwo looga soo horjeedo cibaadada iyo gudashada waajibaadka Alla ficiladaasna ku sheegay kuwo lagu kicinayo shacabka.

Masaajidka Abuu hureyra ayaa horey u xirnaa waxaana dhismaha dhabarkiisa xiga dhanka bari jawaan Ciid lagu cabaayey soo dhigtay Mooryaanta si ay uga hortagaan weeraro lagu qaado.

Inta badan Mooryaanta xooga ku joogta dhismaha Kaaba Mooryaan Cali Cilmi ayaa caadiyeystay in ay ku dhaqaaqaan ficilo kala duwan oo ay ku waxyeeleenayaan Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE