Taliska Daraawiishta Koonfur Galbeed “Dhamaan Umada Reer Koonfur Galbeed Hambalyo, Ku Ciida Farxada Ciida, Waan Idin La Wadaageynaa Damaashaadkeeda”

Taliska Ciidama Daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed Gen. C/hi Cali Axmed Waafow ayaa hambalyo ku aadan Munaasabada Ciida u diray Guud ahaan Shacabka Deegaanada Koonfur galbeed.

Taliyaha oo ku sugan Degmada Nambar 50 ayaa mid ka mid ah masaajida halkaasi ku yaala kula tukaday Salaada Ciidul Adxa.

Waxaana Shacabka uu u jeediyey qudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay islamarkaana uu kaga hadlayey marxalada dalka iyo isbadalka ka jira Degmooyinka Maamulka Koonfur galbeed.

Waxa uu xooga ku saaray ka hadalka Dagaalada iyo sida ay u qalbi jabeen kooxo umada u diiday inay ku harsadaan Guryahooda iyo guulaha ay ku talabsadeen Ciidamada Deegaanka.

Gen. Waafow waxa uu qiray in ay jiraan dagaalo qabow oo ay lasoo baxeen Mooryaanta oo adeegsanaya dad deegaanka wax ku leh oo qadiyadooda iibsaday islamarkaana dib u dhigay halgankii socday iyo hiigsiga ujeedooyinkii fogaa e ay lahaayeen Dadka Deegaanka.

“Waxaad u jeedaan in isbedelo ay jiraan, dalka isbedel ayuu galay gaar ahaan Deegaanadeena Cadowgii dalka horumar u diiday waan ka guuleysanay, laakiin waxan qiraa in dagaal qabow oo siyaasad ah uu bilowday dad anaga naga tirsanaa magacyo kala duwanba ha lahaadeen ayaa naloo adeegsanooyaa, waxaan ogahay in ay ciida ka hiilin doonto sida ay uga hiilisay kuwii cadawga ahaa” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed.

Waxaa hambalyo kal iyo laab ah uu u diray dhamaan Ciidamada kala duwan ee ku sugan furimaha lagu difaacayo dalka iyo dadka, wuxuuna ugu baaqay in ay ku adkeystaan dhufeysyada ay ku jiraan ayna dhowdahay guusha.

“Waxaana hambalyo u dirayaan dhamaan geesiyaasha Ciidamada Koonfur galbeed oo hada ku jira dhufeysyada dalka iyo dadka lagu difaacayo in yaraa idin dhiman adkeysta waad guuleysateen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Waafow.

“Sidaad ogtihiin cadawga waa jabay inta dhimanna anaga ayey nagu xirantahay, waxaan gaari doonaa mustaqbalka dhow hadafka aan leenahay oo ah in Dalkeena iyo dadkeena ay xor ahaadaan” ayaa ugu dambeyn qudbadiisa uu kusoo afmeerey Taliyaha Ciidamada Daraawiishata Maamulka Koonfur Galbeed Gen. C/hi Cali Axmed Waafow.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE