Waxgaradka Ku Nool Xaafadaha Ayuub iyo Buufow Ee Marka Oo Dacwad U Gudbiyey Taliska Amisom Ee Xaafada Ayuub

Maalintii shalay waxa Xaafadaha Koonfurta ah ee Magaalada Marka Socdaal ku tagay Gudoomiye Xasan Cumarey oo ay galbinayeen ilaa laba koox Ciidan Oo amisom ka tirsan islamarkaana ka kooban 66 Askar.

Gudoomiyaha ayaa socdaal ku maray wadooyinka xaafadaha Buufow iyo Ayuub wuxuuna sidoo kale booqday tiro gurya ah oo uu ku ogaa dad ay asxaab ahaayeen hase ahaatee ka tagay markii ay ka war helaan in Xasan Cumarey iyo Amisom ay xaafada soo galeen.

Xasan Cumarey oo aan la kulmin ugu yaraan xitaa hal Odey ayaa isaga tagay Xaafadaha uu socdaalkooda ku hungoobay, meel ku dhow Kawaanka Buufow ayuu ku booqday ganacsade hilibl iibinaya “wuxuu ku yiri Nechlos Key iyo ani waxan nahay laba mas’uul oo siman, ani amisom ayaan adeegsadaa Mr Key-na Amisom ayuu adeegsadaaa” .

Waxaa kulan deg deg ah shalay socdaalka Gudoomiye Xasan ka yeeshay waxgaradka iyo Odayaasha, waxa ay isweydiiyeen sababta keentay in Amisom xaafada lasoo geliyo weliba la dakaneeyo qaar ka mid ah guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo Ciidanka ay gudaha u galeen iyadoo aanay joogin ragii iska lahaa lana cabsi geliyo Haweenka iyo Caruurta.

Kulnak ay yeesheen waxgaradka iyo dhalanyarada ayaa waxay isugu raaceen in ay dacwad u gudbiyaan amisom oo fariisin ku leh duleedka Xaafada Ayuub.

Sida ay inoo soo gudbiyeen qaar ka mid ah Odayaasha shalay kulanka yeeshay in ay u dul qaadin Karin ficilada Xasan Cumarey oo ku cabsi gelinayo haweenka iyo Caruurta ee xaafadahaas ku nool, taasna ay ka yihiin dacwad maadaama ciidanka Gudoomiye Xasan uu wato ay yihiin kuwo amisom ah.

Taliska amisom ee saake lala kulmay ayaa Odayaasha weydiiyey in ay diidanyihiin amisom iyo inay diidanyihiin shakhsiyada Gudoomiye Xasan Cumarey.

Odayaasha ayaa ku jawaabay in labada aan laga soo horjeedin hase ahaatee laga duulayo waxa ka dhalan kara ficilada Xasan Cumarey uu kusoo kordhiyey Xaafadaha Buufow iyo Ayuub ee Magaalada Marka.

Arintan ayaa kusoo aadaysa xilli shalay shacabka ay ku sigteen inay isaga barakacaan guryahooda iyagoo ka baqadin qaba in Gudoomiye Xasan dadka uu ku eedeeyo sababta ka dambeysan in la taageeri waayo maamulkiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE