Ciidamada Amisom Oo Kufsi Ugu Geysatay Gabar Yar Baadiyaha Deegaanka Raas-daay Ee Sh.Hoose

Ciidanka Amisom ayaa kufsi ugu geystay baadiyaha deegaanka Raas-daay ee degmada Baraawe gabar yar oo Ari-raacato ah.

Sida aan ka soo xiganay ehelka gabadhan, gabadha la kufsaday ayaa da’deeda ahayd 17 jir, waxayna ka soo jeeday qoys reer baadiye ah oo ku dhaqan deegaanka Raasdaay oo qiyaastii 10 KM u jirta degmada Baraawe.

Gabadha ayaa xilliga falkaa dhacayay ari ku daajineysay goob gaadiye ah oo ka tirsan deegaankaas, waxayna sheegtay in 3 ka mid ah ciidamada Amisom ay kufsiga u geysteen.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE