Calooshooda U Shaqeystayaal Markale Sharciyad U raadinaya Hey’ad Beeleeda Swiss Kalmo (Xog)

Horaantii sanadkan aynu ku guda jirno Kulan ka dhacay Muqdisho ayaa waxa isugu yimid Odayaala daneystayaal ah iyo Dalaaliiln u adeegta Hey’ada Swiss kalmo (Mefdo) oo ay wakiil ka yihiin Kaaba Mooryaanta dhiig ku naaxayaasha ee kala ah Cali Cilmi iyo Cabdi Cabdule.

Muhiimada kulanka ayaa aheyd sidii loogu sharciyeyn lahaa Isbitaalka Marka oo ay xoog ku qabsadeen Mooryaanta, kuwa dalaaliinta ah ayaa lasoo shir tagay in mudo 6, bilood ah Isbitaalka Marka gacanta loo geliyo Swiss Kalmo oo qandaraas mudadaasi ku eg soo heshay.

Kulankaas ayaa waxa ku baxay lacag gaareysa $1,600 (kun iyo Lex Boqol Oo Doolar) oo loo qeybiyey 9,Odey oo min $30 (sodon doolar) la siiyey, waxaana inta kale jeebka loo geliyey Suldaanka xilka laga qaaday iyo Cabdow Badooliyo.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa markaas noo xaqiijiyey in 6,bilood ka dib la doonayo in loo raadsado qanadaraas kale ama si tar tiib tartiib ah loogu wareego ka dibna la xoojiyo Mooryaanta hada joogta si horeyba ugu heysatay Cosv.

Bishii sedeedaad aan kasoo gudubnay ayaa waxa istaagay qandaraaskii loogu sharciyeeyey, waxaana haatan shaqaalaha loo sheegay in la raadinayo qandaraas cusub oo weli aan gacanta soo gelin hase ahaatee ay socon doonto shaqada Isbitaalka, shaqaalahana ay heli doonaan kala bar mushahaarkii ay horey u heli jireen.

Shirka lagu sii kordhinayo qandaraaska ayaa waxa ka qeyb galay Odayaal aan weli magacyadooda la helin oo uu hugaaminayo Cabdow Badooliyo si ay u saxiixaan qandaraas gaaraya ilaa laba sono soo  socota oo ay Isbitaalka Marka ay sii heysan doonto hey’ad Beleeda Swiss Kalmo (Megda).

Inkastoo aanay aheyn markii ugu horeysay oo sharciyad loo raadiyo dambiilayaal umada dhiigooda ka ganacsatada ayaa dhanka kale waxaa sii kordhaya damiir la’aanta dalaaliinta Deegaanka sheeganeysa oo noqdey kuwo aan ka waantoobin ficilada guracan ee ay kala hortagayaan Shacabkooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE