Askari Ka Tirsan Dowlada Oo Lagu Dilay Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa Dil u geystay Askari ka tirsanaa Minashiiyada Degmada Warta-nabad ee Magaalada Muqdisho.

Askarigan ayaa markii la dilay qaadayey Canshuur waxaana uu joogay Suuqa Siinaay ww Degmada Wartanabada.

Kooxaha hubeysan ayaa qeyabahs are ee jirkiisa kaga dhuftay dhowr xabadood oo sababtay in uu geeriyooda Askariga qaadayey canshuurta.

Kuwa dilka geystay ayaa isaga baxsaday gioibta ay wax ku dileen waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada fedaraalka oo baaritaan kooban halkaasi ka sameeyey Ma jirin cid ay usoo qabteen dilka.

Inta badan kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa dilal kala duwan ka geysta Muqdisho, waxaana beegsadaan askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran