Daawo Baxsadkii U Shaqeen jiray CIA-da Mareekanka Oo Shaaciyey In uu Noolyahay Hugaamihii Al-qaacida

Edward Snowden oo horey ula saoo shaqeeyey Sirdoonka Mareekan haatanna baxsad ahaa u jooga Magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa daboolka ka qaaday sir sheegeysa in uu noolyahay Hugaamiyihii Al-qaacida Sheekh Usaama Binlaadin.

Snowden oo wareysi siinayey jaraa’d kasoo baxa Dalkaasi oo lagu magacaabo Moscow Tribune ayaa wareysiga ku sheegay in hugaamiyaha lagu haayo Jasiirad Bahamas oo ku taala Mareekanka.

Wuxuu intaa ku daray in Ciidamo si gaar ah loogu xil saaray ilaalinta hugaamiyaha ay ku haayaan Jasiirada kuwaas oo ka tirsan Ciidamo CIA-da Mareekanka.

Sheekada mar kale soo laba kacleysay ee uu soo bandhigay xubin hore oo ka tirsanaa CIA-da dalka Mareekan ayaa wuxuu ku tilmaamay mid hubaal ah %100 in uu Sheekh Usaama Noolyahay.

Dad badan ayaa rumeysan kara in hugaamiyanaha Al-qaacida oo sanado ka hor Mareekanku shaaciyey inay dileen uu noolaan karo maadaama aan la helin ama lasoo badhigin Meydkiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran