Dhegeyso Jamhuuriyadda Soomaaliland Oo Ka Hadashay Xariga Fanaaniinta Hargeysa

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Soomaaliland Axmed Cadarre oo wareysi siiyey Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sababeeyey xariga lagula kacay qaar ka mid ah fanaaniinta Xidigaha Geeska ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in Fanaaniintaas ay la tiigsan doonaan sida uu yiri sharciga, maadaama bandhig faneed liddi ku ah jiritaanka Soomaaliland ay kusoo bandhigeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Maalintii shalay ayaa Ciidamada Boliiska Jamhuuriyadda Soomaaliland waxa ay xabsiga dhigeen ilaa afar fanaan oo ka mid ah Fanaaniinta Geeska.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran