Dil Goor Dhow Ka Dhacay Duleedka Degmada No 50

Wararka naga soo gaaraya Degmada Nambar 50 ayaa sheegaya saalada Cishaha ka dib lagu dilay halkaasi Nin ka mid ahaa dadka deegaanka.

Sida wararku ay tilmaamayaan dilka ayaa ka dhacay deegaanka Balafley oo duleedka Bari kaga beegan Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Waxaa lasoo sheegayaa in dilkan ay geysteen laba qof oo ku hubeysnaa qoriga AK47 oo dilka ka dib isaga baxsaday halkii dilka ay ka geysteen oo aheyd duleedka Namabr 50.

Marxuumka geeriyoodey oo weli aan helin magaciisa ayaa da’diisu lagu sheegay 45 sano jir ka mid ahaa dadka halkaasi ku dhaqan.

Dilkan ayaa lala xiriirinayaa shaqaaqo shalay ka dhacday Deegaanka Saliini ee duleedka Buushka,halkaas oo xoolaley isku dagaalay Ceel biyood isku qaatay Toorey iyo Baangado.

Shaqaaqadaas ayaa sababtay dhimshada hal qof iyo dhaawac laba kale, waxaana markii dambe ku baxay Odayaal dhaqameed ku guuleystay in ay joojiyaan dilka iyo colaada.

Balafley waa deegaan ku dhexyaala deexda duleedka Nambar 50 waxaana ku nool qoysas xoola dhaqata ah oo shaqa ku leheyn dhibaato deegaanka mararka qaar ka dhacda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran