Gudoomiye Jawaari Oo Ka Dhawaajiyay War Ka Farxinaya Maamul Goboleedyada

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanada maamul goboleedyada lagala tashan doono sharciyada uu ansixinayo Baarlamaanka Dowladda Dhexe.

Jawaari ayaa sheegay in dowladda ay tahay mid federal ah, sidaas daraadeedna ay tahay in baarlamaanada maamul goboleedyada ee hadda dhisan iyo kuwa dhismi doono laga qeyb geliyo go’aan ka gaarista shuruucyada uu meel marin doono baarlamaanka federalka.

Gudoomiye Jawaari ayaa intaa ku daray in baarlamaanada maamul goboleedada ay ka caawinayaan baarlamaanka dhexe sidii uu u gudan lahaa howsha uu u hayo shacabka.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada sida maamul goboleedka Puntland ayaa horay ugu eedeeyay dowladda dhexe in ay isku koobeyso go’aan ka gaarista armaha masiiriga ee dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE