Ingiriiska Oo Markii Ugu Horeysay Ciidamo U Soo Diraya Soomaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay ciidamo u soo direyso Soomaliya.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa uu u dirayo Soomaliya ay tababaro siin doonaan ciidamada Amisom ee ka howlgala Soomaliya.

Ciidamada Ingiriiska uu u soo dirayo Soomaliya ayaa tiradooda gaareysaa 70 askari oo tababari doona ciidamada Amisom si ay ula dagaalamaan Alshabaab.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa difaacay ciidamada ay u dirayaan Soomaliya isagoo sheegay in ciidamada ay dirayaan ay qeyb ka qaadaneyso in nabad lag soo dabaalo goblka, taasn ay keeneyso in wax laga qabto qaxootiga ku soo qulqulaya Yurub.

Ciidamada Ingiriiska ayaa haba yaraateen ayaa dagaalada toos uga qeyb qaadan doonin, howshoodana ay ku koobnaan doontaa tababar bixin.

Ingiriiska ayaa sidoo kale 300 oo askari u diri doona Koonfurta Sudan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran