Maleeshiyo Ka Wada Tirsan Dowlada Muqdisho Oo Ku Dagaalamay…

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho gaar ahaa degmada Wadajir dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo ka wada tirsan Dowlada Muqdisho ayaa ka dhacay Wadajir.

Dagaalka ayaa sida wararku tilmaamayaan yimid ka dib markii laba mas’uul oo wakiilo ka ahaa shirkado turki ah oo dhismaha qaabilsan ay ku murmeen qandaraaska dhisme laga hirgelinayo duleedka Degmada Wadajir.

Labada Maleeshiyo ayaa kala taabacsan kuwa isku heysta qandaraaska dhismaha oo laga hirgelinayo xerada nac-nac ee duleedka Degmada Wadajir.

Dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhainacuada dagaalamay waxaana weli jira sida ay kusoo waramayaan xiisada labada masleeshiyo.

Maamulka Degmada Wadajir iyo Shirkadaha dhismaha ee hey’adaha Turkiga ayaan weli ka hadlin xiiisada k taagan xero nac nac

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE