Qeyb Ka Mid ah Taariikhda Inta Uu Xilka Haayey Suldaan Axmidey Maxamed Cali Bolol iyo Sida ay Ku Timid Doorashada Suldaan Cadow

Horaantii Sanadii 2000 ayuu Geeriyoodey Allah u naxriistee Suldaan Maxamed Cali Bolol oo ahaa Suldaanka guud ee Beesha Biimaal.

Markuu Suldaanka geeriyoodey waxa xilka loo duubay Wiilkiisa Axmidey Maxamed Cali Bolo loo oo ugu weynaa Wiilasha uu dhalay oo ifka uu kaga tagay.

Suldaan Axmidey Maxamed Cali oo Maamule ka ahaa Dugsiga sare ee beeraha oo ku yaala Marka ayaa ku mashquulay Iskuulkiisa soona dhaafi kari waayey Cel-celinta ardeyda iyo la xisaabtanka Maclimiinta Iskuulka.

Mudo ayuu Suldaanka magac ahaan uu u taagnaa hase ahaatee howsha laga sugayey ayaa waxa waday oo shirarka iyo u adeegida Beesha Wakiilatay sii hogaaminayey shakhsiyaad kale oo banaan cidla ah ka helay jagada sida magac u yaalka uu ugu magacaawnaa Suldaan Axmidey Maxamed Cali Bolol.

Bilowgii sanadii 2009kii, oo Marak ay la wareegeen Xarkada Shabaab si rasmi ayuu Suldaan Bolol u uga dhex baxay howshii dhaqanka iyo la socodka beeldaaje nimada.

Sanadii 2011kii bartamaheedii Shir dhaqameed ka dhacay Namabr 50 ayaa lagu arkay Suldaan Axmidey oo fagaare ku yaala Degmadaas Beyco kula galay xarakada shabaab, wixii markaasi ka dambeeyey waxa uu ahaa shakhsi aan bulshada ku fir fircooneyn.

Inta Xilka uu haayey waxa gobolka soo maray maamulo kala duawan iyo culeysyo looga baahnaa inuu ka gudbiyo Beesha hase ahaate waa laga waayey.

Beesha Biimaal ayaa intaas socotay iyadoo aan heysan wax Suldaan ah ama shirarka u taga Suldaan Matala, waxaana jiray rag nabadoono ah oo ka qeylin jiray warbaahinta kana jawaabi jiray colaada iyo dhibka lagu haayey Beesha.

Isla Bartamihii sanadii 2011kii Suldaan Bolol waxa uu wakiishay Ibraahim Cali Xaaji oo ka tagay Shabeelada hoose oo ugaar ugu jiray meel uu ka galo siyaasda Muqdisho.

Sanado badan ayaa lagu qaraabanyey Magaca Suldaanka laguna tagri falayey ma jirin maalin uu ka hadlay ama uu ka jawaabay eedeymo badan oo ku dhacayey Suldaanka uu wakiishay.

Waxa jiray dhibaatooyin Beesha Wakiilatay soo wajahay inta xilkaas sida magac u yaalka uu u haayey, ma jirin maalin uu ka dhiidhiyey ama uu shir la qaatay Beeshiisa iska daayee waxa uu ka cudur daaranayey Odayaasha ku booqda gurigiisa.

Mudo hada laga joogo ku dhawaan 25 maalmood waxa kulan Marka ku yeeshay waxgaradka Beesha Biimaal oo wax iska weydiinayey Dhaqanka ama Duubabka ay leheyd iyo sida lagu soo celin karo.

Kulamadaas Maalmo ayey qaateen waxaana ugu dambeyn leysku raacay in Suldaankii hore uu la jaan qaadi waayey culeyska jira loona baahanyahay in la bedelo.

Suldaan Ibraahin C/hi Cadow oo Ilmo adeer dhow ay yihiin Suldaankii hore ayaa loo doortay inuu noqon karo shakhsiga bedeli kara islamarkaana lagu aamini karo masiiraka Beesha Biimaal.

Waxaana sidaa ku dhaqan galay Magacaabida Suldaan Cadow,Magacaabida Suldaan Cadow ayaa meesha ka saareysa Suldaan Bolol oo xilka gudan waayey iyo Wakiilkiisii Muqdisho u joogay.

Dadka ayaa sheegaya in Suldaan la bedelay weligii aanu safar ku tagin Degmo ama tuulo ku taala Shabeelada si uu usoo xaliyo dhibaato jirta ama Umada uu hugaaminayey uga tacsiyadeeya dhibaato ku dhacday.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran