Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Ee Koonfur Galbeed Oo Booqday Beero Ku Yaala Baydhaba (Sawiro)

Mas’uuliyiin uu hugaaminayo Wasiirka Wasaarada Meeraha iyo Waraabka ahna Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbed Maxamed Xasan Fiqi ayaa booqday dhul beereed ku yaala Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Booqashada ayaa wasiirka waxa ku wehlinayey Gudoomiyaha Magaalad Mudane Watiin iyo Mas’uuliyiin kale, Mudane Fiqi ayaa cagf-cagaf markaasi faleysay beerta ay booqdeen kaga fariistay halka laga maamulo awoodeeda.

Dul beereedkan oo ay ku yaalaan dhamaan geed miroodka laga tacbo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa tababaro ku sameeya ardeyda Jaamada Upper Jubba ee Baydhaba.

Mas’uuliyiinta ayaa beeraleyda ku amaanay doorka ay ku leeyihiin wax soo saarka Dalka iyo dadaalka ay ugu jiraan inay muruqooda maashaan, waxaana ay u balan qaadeen in ay keeni doonaan mashruucyo lagu maalgelinayo beeraha u baahan in maalgashiyo lagu sameeyo.

12079115_1696835673861122_7553080997223443434_n

ø;

ø;

ø;

ø;

?????
?????
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran