Dhegeyso Afahayeenka Wasaarada Amniga Oo Sheegay In ay Diyaariyeen Qorshe Cusub

Afahayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Muqdisho ayaa sheegay in laga reystay qaraxyo iyo weeraro dagaalyahaanada shabaab ay ku qaadaan Magaalada Caasimada ah.

Afahayeenka ayaa arintaasi u sababeeyey iskaashi uu sheegay in uu dhex maray shacabka iyo hey’adaha amniga dalka oo si dhow uga wada shaqeenaya sugida amniga.

Maxamed Yusuuf ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan qaabab cusub oo loogu talagalay sugidda amaanka Caasimada in ay dejisay wasaarada amniga qaababkaas oo uu sheegay in looga hortagayo weerarada casriyeysan.

Afahayeenka ma sheegin in ay jiraan qorshayaal ay fashiliyeen ama ay ka hortageen balse wuxuu ku cel celiyey in lagu guuleystay sugidda amaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa inta badan ka dhaca weeraro kala duwan waxaan hey’adaha ku shaqada leh ay sheegaan in ay ku geeleysteen sidii loo yareen lahaa falalkaas.

Dhegeyso

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE