Ciidamada Amisom Oo Maanta Qarax Lagula Eegtay Magaalada Marka

Ciidamada amisom oo maanta roondo ku marey meel ku dhow Iskuulka Fariina ayaa halkaasi waxa lagula eegtay qarax khasaare geystay.

Qaraxa oo dhacay duhurnimadii ayaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso waxaan ay haleeshay tiro amisom ah oo saf dheer ku jiray xiligii qaraxa uu la kacay.

Sida ay xaqiijinayaan goob-joogayaal ka agdhawaa markii qaraxa uu dhacayey ayaa soo sheegaya in ay arkeen laba askari oo qaraxa uu haleelay walow aysan cadeen karin dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku sugnaayeen.

Weli kama hadlin Maamulka Marka ee hugaamiye Xasan Cumarey waxaana sida muuqata soo laba kacleeyey weeraradii lagu haayey Ciimada amisom ee Marka ku sugan.

Ciidamada amisom ayaa inta badan roondo ay kaga hortagayaan weerarada qaraxyada ah ka sameeya xaafadaha Marka mana jirto weli waxa uu soo kordhiyeen roondooyinka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE