Dhegeyso Aabe Ka Sheekeynaya Wiilkiisa Oo Mudo Ku Dhawaad 20 Cisho ka Maqnaa, Ugu Dambeyna Helay Meydka Wiilkiisa

Maxamed Yuusuf Xaaji oo ah Aabaha dhalay Wiil Lagu magacaabo Cabdi Maxamed Yuusuf Xaaji oo Mudo ka badan 15 Casha ah uu weysanaa ayaa ka sheekeeyey qaabka uu u helay Wiilkiisa oo Meyd ah.

Wiilka ayaa Todobaadyo ka hor kooxo hubeysan ay ku qabteen Deegaan lagu magacaabo Diyaani oo ku dhow Danow Ee Gobolka Shabeelada hoose isagoo saran Mooto ama dhug-dhugley.

Waxa uu sheegay in Wiilkiisa mudada ay weysanaayeen uu ahaa Meyd yiilay Kanaal ku dhow halka Mootada lagala degay islamarkaana lagu dilay sida ay ku arkeen cadeymo ay haayaan.

Sida uu xaqiijinayo Maxamed Yuusuf Xaaji dilka wiilkiisa ayaa loo adeegsaday wax aan aheyn qori ama xabad ayna soo qaateen khalfoofka oo uu ka muuqdo dhaawacyo badan.

Jawaan ay labada dhinac ka haayaan laba qof ayaa lagu soo riday Meydka oo ugu yaraan la rajeenayey inay soo qaadaan dad ka badan sideed qof, waxaana taas ay ka dhigantahay in uu ahaa lafo meel yiilay.

Shabeelada hoose oo sida la ogyahay lagu soo duuley ayaa waxa ka dhacaya dilal fool xun, waxa hore u jiray Meyd loo dhigay Eeyo, Meyd inta gaari lagu xiray dhulka lagu jiiday iyo dhacdooyin fool xun oo aan ilaa haatan aysan ka hadlin kuwa sheeganaya xuquul insaanka.

Dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE