Dhegeyso Marwo Binti Ibraahim “Odayaasha Koonfur Galbeed Waa Inaanay Iibsanin Xubnaha Haweenka Ee Xil..””

Marwo Binti Ibraahin Cali oo ah Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Haweenka, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Maamulka Koonfur galbeed oo ka hadleysay qaabka ay u socoto howsha soo xulista Baarlamaanka Maamulkaas ayaa baaq u dirtay Odayaasha dhaqanka.

Wasiirada ayaa sheegtay in Xildhibaanada lasoo xulayo loo baahanyahay in ay helaan Haweenka Koonur galbeed mudaanaanta ay ku leeyihiin.

Waxa ay tilmaamntay in haataan ay heystaan Haweenka wax ka yar afar meelood hal meel oo ay ula jeedo in loo qoondeeyey 20 Mudane in la siiyo hataanna ay muuqdaan kaliya afar Xildhibaan oo aan u qalmin sida ay sheegtay in la siiyo Haweenka.

Marwo Binti ayaa ugu baaqday Odayaasha Koonfur galbeed ee Soo xulaya Baarlamaanka in xaqii ay lahaayeen Haweenka ay iibsanin oo ay siiyaan Haweenkkoda si ay door ugu yeesheen Baarlamaanka lagu dhawaaqi doono dhawaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE