Dibad Bax Looga Soo Horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Qabtay Magaalada New york

Dibad bax looga soo horjeedo Madaxweynaha Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada New york ee dalka Mareekanka oo lagu soo gaba gabeeyey Shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobe oo uu ka qeyb qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dibad baxan ayaa waxa soo qaban qaabiyey Beesha Jareer Weyne oo cadaalad daro ka tirsaneysa Dowlada iyo qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka, waxaana dibad baxa ay ka hordhigay Xarunta uu ka socday Shairka.

Boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ay ku muujinayaan siday uga xunyihiin xaq darada lagu haayo iyo dilka loo geysanayo waxgaradkooda ayey siteen markii ay hordhoobanayeen xarunta Shirka qaramada Midoobe.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in Maamulka Axmed Madoobe uu ku haayo beeshooda xaq daro ayna jiraan dhul beereed lagu dhacay Koonfurta Soomaaliya oo ay leeyihiin.

Waxa ay sidoo kale ay sheegeen in Dowlada Xasan Sheekh uu mas’uul ka ahaa dagaal beeshooda lagu qaaday oo ka dhacay Gobolka Shabeelada dhexe oo deegaano badan looga gubay dagaaladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayey ku eedeeyeen in uu Diyaad ku tagay Magaalada Jowhar isagoo aan ka hadlin dagaalada guryaha lagu gubayey oo ka socday daafaha Jowhar.

2015929635790953892732709Dibadbax_Jareerweyne (1)

2015929635790953892732709Dibadbax_Jareerweyne (1)1 2015929635790954166349855Dibadbax_Jareerweyne (2) 2015929635790954384931606Dibadbax_Jareerweyne (3) 2015929635790954505875073Dibadbax_Jareerweyne (4) 2015929635790954640144321Dibadbax_Jareerweyne (5) 2015929635790954820879011Dibadbax_Jareerweyne (6)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran