Khudbadii Madaxweynaha Somaliya uu ka jeediyay Shirka QM Akhriso (Sawiro)

Dhammaan inta shirkan ila guddoomineysa: Dr Nkosazana Dlamini Zuma, Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Mr Iyad Ameen Madani, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka, Dr Nabil El Araby, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, iyo Mr. Ban Ki Moon, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Waxaan ku faraxsanahay inaad maanta nagala soo qeyb gashaan kulankan heerka sare ee arrimaha Soomaaliya ku saabsan.

Maanta waxaynu ka hadleynaa nabadda iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah sannadka 2016-ka iyo wixii ka dambeeya. Labadan umuuroodba waxay sameynayaan ajenda aad muhiim u ah oo weyn!

Lyndon Johnson, Madaxweynihii hore ee Mareykanka waxaa uu yiri, ‘Nabaddu waa safar masaafadiisu ay tahay kun mayl, waxaana khasab ah in markiiba hal talaabo la qaado si loo gaaro meesha loo socdo.’

Safarada u baahan in mar walba talaabo hor leh la qaado waxay u baahan yihiin go’aan qaadasho adag, adkeysi iyo dadaal dheeri ah. Soomaaliya si wanaagsan ayaan u fahamsanahay safarada noocaan ah. Waxaad is oran kartaa in sifooyinkan ay qeyb ka yihiin hiddo-sidaheena ummadeed. Waxay sifooyinkan ka tarjumayeen xaaladihii dalkeena ka jirey saddexdii sanno ee la soo dhaafey.

Saddex sanno ka hor, markii ugu horeysey ee aan ku kulaney London: Soomaaliya iyo dalalka taageera- waxaan ka wadahadalney sidii loo fulin lahaa hadafyo waaweyn; waxaan qabney hami badan iyo dhiiranaan.

Waxaan maanta oran karaa , in dib u dhac yar iyo xanuun uu ina soo gaarey. Waxaan nahay dad uu dagaal daashadey, balse adkeysi badan leh. Weli nagama lumin damaca hamiga aanu leenahay, laakiin waxaa mar walba nagu xeeran xaaladaha dhabta ah ee nagu xeeran.

Saddex sanno ka hor, markii ugu horeysey ee aan soo bandhigney Hiigsiga 2016, oo ah barnaamijka hadafyada isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxay talaabadaasi ahayd qorshe hami badan ku dhisan. Dunida miyaa laga heli karaa dal kale oo sida Soomaaliya dib u qoraya dastuurkiisa federaalka, misana ku hawlan dhismaha nidaam cusub oo federaal ah, doorasho la qabto, iyadoo aaney jirin kaabeyaashii dowliga ahaa ee loo baahnaa. Shuruucdeena inteeda badan oo ku qoran Af Talyaani, amaba qaarkood aysanba jirin, inagoo aan haysan xoog ama shaqaale khibrad leh oo ku filan fulinta hawlaha ina horyaalla, dhinaca kalena dagaal kula jirna koox argagixiso ah gudaha dalka. Waxaa intaas ka daran in waxyaabaha aan soo xusey oo dhan muddada lagu fulinayo aaney ahayn labaatan sanno, ama toban sanno , balse waqtiga rasmiga ah ee aan haysano uu yahay afar sanno.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Muddo 25 sanno haatan laga joogo, nabaddu waxay Soomaaliya ka ahayd badeeco qaali ah oo aan la heli Karin. Aan tusaale u soo qaadano ruux dumar ama nin ku nool Soomaaliya, oo magacyadooda ay kala yihiin Faadumo iyo Cabdi, kuwaas oo da’doodu tahay 28 ama 27 jir. Waxaa muuqata in Cabdi iyo Faaduma noloshooda oo dhan ay arkeen oo keliya 2 ilaa 3 sanno oo nabad iyo deganaansho ah, muddadaas oo aad uga fog nabad buuxda oo qofku ku naaloodo.Taasi waxaa dheer in Cabdi iyo Faadumo aysan helin fursad ay wax ku bartaan, shaqona aysan heli karin, iyagoo la daala dhacaya halganka nolosha carruurtooda, isla markaana uu mugdi badan hareeyay mustaqbalka noloshooda. Waxaa intaas dheer in Cabdi iyo Faadumo ay sidoo kale ka welwelsan yihiin wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Al Shabaab ay dib u soo laabaneyso, ama in ISIL ay waddanka ku soo socoto.

Haddaba maxay nabad uga dhigan tahay qof aan weligiiba arag nabadda la sheegayo? Yaase mas’uul ka ah inuu nabaddaasi keeno ama dhaliyo?

Nabadda in la qeexo laguma soo koobi karo oo keliya fikirka ah inaanu dagaal jirin. Waxay noqon lahayd xaalad nugul oo isbedeleysa, haddii ay ku tiirsanaan lahayd natiijada hawlagalada milatari oo keliya. Nabadda laga doonayo Soomaaliya waa inay ka tarjuntaa maalgashi suuragelinaya helista waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah:

Xaqiiqdii, nabadgelyada iyo xasiloonida muhiim ayay u yihiin Soomaaliya. Labadii sanno ee la soo dhaafey horumar ballaaran ayuu dalku sameeyay dhinaca nabadgelyada, iyadoo ilaa 80 % Soomaaliya laga xurreeay ururka Al Shabaab. Aad baan uga mahad-celinaynaa doorka Midowga Afrika uu ciidammo ugu deeqay Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa dalalka ciidammadaasi ay ka yimaadeen sida: Burundi, Ethiopia, Kenya, Sierra Leone iyo Uganda. Waxaan qirayaa inay jireen masiibooyin laga xumaado oo barbar socdey hawlgalada lagu nabadeynayo Soomaaliya. Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsaneynaa walaalaheena Afrika ee nolosha gabdhahooda iyo wiilashooda ku waayey Soomaaliya, waxaana xishmad gaar ah u haynaa ciidankaasi dhintey oo goobaha dagaalka cadowga hortiisa ku muujiyey geesinimo dheeri ah.

Waxaa kale oo dhowaanahan magaalooyinka qaar ka jirey dib u dhacyo kooban. Halkii laga dhihi lahaa in Al Shabaab ay dib u soo laabaneyso, waxaa tallaabada saxda ay tahay in loo baahan yahay in la helo isku-dubbarid wanaagsan oo u dhexeeya ciidammada amniga iyo barnaamijyada xasilinta. Tani waxay ka tarjumeysa baahida loo qabo inaan xaqiijino xajinta goobaha aan xoreyneyno, dhanka kale waxaa iyana muhiim ah haqabtirka baahida ay qabaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxay kale oo tilmaameysaa sida loogu baahan yahay in la maalgeliyo barnaamijyada xasilinta ee daboolaya baahida ay qabaan dadka ku dhaqan goobaha la xorreynayo. Waa inaan deg-deg ugu dhaqaaqnaa dhismaha dowladaha hoose, inaan si hufan u aqoonsano baahiyada muhiimka ee degaannada, isla markaana loo helo qalabka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, si ay ugu suuragasho fidinta adeegyada bulshada.

Marna ma nasan doono ilamaa aan ka xaqiijino in gees kasta oo Soomaaliya ka tirsan laga xorreeyay Al Shabaab. Waa inaan waqtigan xaadirka ah qaadnaa tallaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan dhismaha ciidan amni oo isku dhaf ah, lala xisaabtami karo, qaab dhismeedkoodana uu u ku yimaado daah-furnaan. Isbeddelada iyo dib u qaabeynta aan dhowaan ku dhawaaqney waxay ka tarjumayaan sida ay inooga go’an tahay xaqiijinta in adeegga amniga uu noqdo mid leh maamul adag oo hufan, isla markaana u shaqeeya si daah-furnaan ah: sida shaqaalaha, iibka, mushaharaadka, hufnaanta, iyadoo la raacayo xeerarka xuquuqda aadanaha ee lagu heshiiyey.

Waxaa inaga go’an inaan helno kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ee inala shaqeyneysa, inagoo dhiseyna adeeg amni oo si hufan loo maareynayo, si wanaagsanna dusha loogala soconayo.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Barnaamijka isku dhafka ciidammada ee uu horkacayo Guddiga Qaranka ee Isku-Dhafka Ciidanka, waa mid dhab ahaantii kalsooni iyo dhiirigelin badan abuuraya. Ujeeddada barnaamijkan waaxa weeyaan dhismaha hal ciidan oo qaran, kuwaas oo leh hal aqoonsi, ciidan loo wada dhan yahay, kaas oo ku shaqeynaya fulinta iyo ilaalinta danaha Soomaaliya. Ilaa iyo haatan waxaa barnaamijka isku dhafka ciidammada lagu bilaabey 1350 askari oo laga qorey Maamulka KMG ee Jubba, kuwaas oo buuxiyey shuruudaha Qorshaha Guulwade, kana kooban saddex guuto oo degaannada dooxada Jubba ka fulin doona hawlgalo milatari , iyagoo kaashanaya ciidammada AMISOM. Waxaa xusid mudan, inay tahay markii ugu horeysey ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka hawlgalaan magaalada Kismaayo, tan iyo markii la ridey xukuumaddii milatariga ee uu horkacayey Maxamed Siyaad Barre. Haddii aan helno taageerada deeq bixiyeyaasha ee muhiimka inoo ah, 12-ka bilood ee soo socda, waxaa Guddiga Qaranka ee Isku-Dhafka Ciidammada uu soo dhammeystiri doonaa barnaamijka isku dhafka ciidammada ee Maamulka KMG ee Jubba, iyo inuu kala shaqeeyo Puntland, Maamulka KMG ee Galmudug iyo Maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed Soomaaliya si loo qoro 5,000 oo askari. Waxaan si weyn ugu faraxsanahay horumarka la sameeyay, waxayna taasi ka tarjumeysaa inay jirto muwaafaqo qaran oo loogu adeegayo Soomaaliya oo dhan.

Waa inaan xaqiijinaa inaaney marnaba dhicin inaan inta dhibaato ka dulqaadno waddanka, aan hadana mid kale ku bedelno. Waa inaan mar walba feejignaanaa si aan uga hortagno in Al Qaacida ay hadana dib u soo xoojiso Al Shabaab, iyagoo adeegsanaya qulqulka qaxootiga faraha badan ee ka imanaya Yemen oo ay ku dhex dhuuman karaan. Waa inaan si weyn uga taxadarnaa damaca sii kordhaya ee kooxda ISIL. Waxaa lagama maarmaan ah in la helo dadaal si wanaagsan la isku dubbaridayo oo heer gobol ah, si guulaha laga gaarayo dagaalka Al Shabaab ee Soomaaliya aaney u noqon kuwo kooxdaasi marna looga adkaado, marna ay u soo laabtaan , oo hadafka guud uu noqdo in gebi ahaanba la ciribtiro. Waxaa iyana muhiim ah in Soomaaliya ay wax ka qabato sababaha dhalinaya xagjirnimada, ha noqdeen kuwo asalkooda hore ahaa heer degaan, heer qaran amaba heer goboleed.

Waa inaan xaqiijinaa in xaaladda aadminino ee aadka u jilicsan ee Soomaaliya ka jirta aanay saameyn ku yeelan nabadgelyada. Ku dhowaad saddex milyan oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan gargaar aadminimo si ay u daboolaan baahidooda maalmeed ee aasaasiga ah. Tani ma ahan arin la aqbali karo.

Waxaan magangelyo u fidiney kumanaan qaxooti ah oo ka yimid dalka Yemen, waxaana dadka Soomaaliyeed uga mahad celinayaa martisoorka iyo deeqsinimada ay u muujiyeen walaalaheena dhibaateysan ee inoo soo martiyey.

Waxaan dalalka iyo ururrada aan iskaashiga leenahay aan maanta xusuusinayaa in waajib weyn uu ka saran yahay inay gacan siiyaan Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si ay ugu suuragasho xanaaneynta iyo daryeelka qaxootigan dalkeena jooga.

Ujeeddada ma ahan oo keliya in la helo maalgashi sugan oo lagu bixiyo barnaamijyada gargaarka ee muddada gaaban, balse waxaa loo baahan yahay in la sameeyo barnaamijyo waqti dheer socon kara, kuwaas oo si qota dheer wax uga qaban kara sababaha dhaliya xasaradaha daba dheeraada, isla markaana dhiirigeliya in la isku dulqaato, lana wada noolaado.

 

Si loo xaqiijiyo inaaney argagixisada Soomaaliya hoy ka dhigan, waxaa loo baahan yahay in shacabka loo abuuro rajo iyadoo wax laga qabanayo dib u soo kabashada dhaqaalaha. Waxaa muhiim ah in shaqooyin la abuuro, dhanka kalena waa in la dhiirigeliyaa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay.

Sidaad la wada socotaan, kaabeyaasha dhaqaalaha waxay door muhiim ah ka qaataan horumarka dhaqaalaha ee dal uu u baahan yahay. Dib u hagaajinta kaabeyaasha Soomaaliya waxaa muhiim uu u yahay dhaqaalaheena, siyaasadda iyo barnaamijyada dib u heshiisiinta ee Soomaaliya.

Horumarinta kaabeyaasha waxay dhiirigelineysaa maalgashiga ganacsiga gaarka ah, kobaca wax soo saarka, abuurista kobac dhaqaale oo sugan, helista fursado shaqo, iyo in la yareeyo fakhriga. Waxay kale oo tani door muhiim ah ka qaadan kartaa isku xirka gobollada.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Sannadkii hore Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF waxay markii ugu horeysey muddo laga joogo 25 sanno dib u eegis ku sameysey Soomaaliya. Waxan aad ugu faraxsanahay in IMF ay sheegtay in dalku uu horumar la taaban karo sameeyay.

IMF waxay kaloo xustey in xaaladda dhaqaalaha ee Soomaaliya laga dheehan karo horumar, iyadoo sheegtay in meel fiican ay gaartey, kororkuna uu ahaa 3.7% sannadkii 2014. Warbixinta IMF waxay xustey, “Haddii horumarka nabadgelyada uu sii socdo, waxaa sii xoogeysan doona dhaqaalaha iyo ganacsiga gaarka ah, taasina waxay gacan weyn ka geysan kartaa kobaca dhaqaalaha.”

Waxaan hawl adag u galney dib u qaabeynta xaaladda dhaqaale iyo maaliyadeed ee dalka. Waxaan diiradda saareynaa sameynta qaab lagula socdo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dalka, horumarinta barnaamijyada dib u qaabeynta dhaqaalaha, iyo in la adkeeyo nidaam ay shacabka iyo deyn bixiyeyaasha kula xisaabtamaan dowladda.

Baanka Dhexe waxaa uu si weyn uga shaqeeyay qaab lagu habeynayo nidaamka maamulka lacagaha, kaas oo fududeynaya lacagaha ay wasaaradaha u adeegsadaan hawlahooda iyo mushahaaraadka shaqaalaha.

Waxaa horumar weyn laga sameeyay nidaamka la socodka miisaaniyadda, iyadoo haatan ay dowladdu leedahay Habka Maareynta Xogta Maaliyadda iyo Dhaqaalaha oo tiknoloojiyadda casriga ah loo adeegsanayo. Waxaanu dhisney nidaam dusha loogala soconayo dhaqdhaqaaqa maaliyadda, sida Guddiga Maamulka Maaliyadda, waxayna taasi nagu abuureysaa kalsooni ah in lacagta, qandaraasyada iyo iibka si daah-furan loo maareeyo.

Xoojinta horumarka laga sameeyay dhanka nabadgelyada iyo xasilinta waxaa muhiim u ah dib u kabashada dhaqaalaha oo gacan ka geysaneysa dib u dhiska qaranimada Soomaaliya cusub oo shacabka oo dhan ay ka wada muuqdaan. Tani muhiim uma ahan oo keliya in nabadda la maalgashado, balse waxaa loo baahan yahay in nabadda salka loo dhigo.

Kalsooni abuurista goobaha ay dowladdu gaari karto dhanka baahinta xukunka iyo qaadista mas’uuliyadda waxay muhiim u tahay inay dowladda si muuqata u gudato waajibaadka ka saaran fidinta adeegyada iyo barnaamijyada loo baahan yahay.

Hoggaanka dowliga ah waxaa uu udub dhexaad u yahay Hiigsiga 2016. Waa dhab in laga yaabo inaanu ka yara gaabiney sidii aan rabney inaan u fulino barnaamijyada kaabaya hadafyadan, gaar ahaan diyaarinta dastuurka, hadana waxaan aaminsanahay in diyaarinta barnaamijka dib u eegista dastuurka dhowaan la hirgelin doono.

Sannadka soo socda, waxaan filayaa inuu qabsoomo wadaxaajood qaran oo si wanaagsan loo soo agaasimey, hoggaankiisana uu yeelan doono Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista Dastuurka iyo Guddiga Fulinta ee sida dastuurka uu si hufan ula jaan-qaadayo hawlaha haatan jira iyo kuwa la saadaalin karo ee dhismaha dowliga ee la xiriira baahida shacabka.

Nidaamka Federaalka waxaa uu muhiim u yahay xasiloonida dalka iyo muujinta aqoonsigeena qaranimo. Saddexdii sanno ee la soo dhaafey waxaanu taageernay dhismaha saddex maamul oo ku meel gaar ah sida waafaqsan dastuurkeena.

Dadaalkani waa mid weli socda, iyadoo haatan ay socdaan wadahadal iyo tashiyo la xiriira qaabka loo dhisayo maamulka ugu dambeeya ee ku meel gaarka ah ee loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Waxay tani noqoneysaa qeybtii ugu dambeysey ee khariiddada federaalka ee Soomaaliya.

Sannadka soo socda waxaa kale oo jiri doona waxyaabo badan oo aan ka shaqeyn doono, oo ay ku jirto sameynta xudduudaha maamullada, waajibaadka iyo doorka dowlad goboleedyada, qeybsiga kheyraadka, iyo xiriirka ka dhexeynaya dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Sidaa darted hawsha Guddiga Xudduudaha iyo Federaalka waxay noqon doontaa muhiim.

Waxaa iyana muhiim ah in guddiyada la dhisey si ku filan loo daboolo baahidooda, taas oo u suuragelineysa inay waajibaadkooda si hufan u gutaan. Waa inaan deg-deg ugu dhaqaaqnaan sameynta guddiyada dhiman ee dastuuriga ah, sida Guddiga Xuquuqda Aadanaha iyo Maxkamadda Dastuuriga ee Soomaaliya.

Dabcan, hadafka aadka muhiimka u ah ee Hiigsiga 2016, waxaa uu yahay in awoodda si nabad ah oo xasiloon la isugu wareejiyo sannadka soo socda. Mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelato, waxaa lagu heli karaa oo qura iyadoo nidaamka la sameynayo uu noqdo mid loo dhan yahay, loona wada siman yahay dimoqraadiyadda iyo mabaadii’da dimoqraadiyadda.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Toddobaadkii la soo dhaafey, Madasha Wadatashiga ee Madaxda Qaranka iyo maamullada ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho, waxaana lagu meel mariyey Madasha Wadatashiga Qaranka, iyo hanaan ay Soomaaliya ku go’aansan doonto nidaam doorasho oo dalka ka qabsooma sannadka 2016-ka.

Waxyaabaha aanu ka wadaxaajooneyno saddexda bil ee soo socda qaran ahaan, waa inay noqdaan kuwo inoo horseedaya gaarista hadafka qaran ee bulshada oo dhan: iyadoo loo marayo xoojinta sharciyadda oo ku saleysan nidaam dimoqraadiyadeed.

Waxaa inaga go’an hirgelinta hanaan loo wada dhan yahay, kaas oo xaqiijinaya in wax kasta oo la go’aansadaa ay noqdaan wax Soomaali oo dhan leedahay, isla markaana sare u qaadaya xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay. Waa in hanaankaasi uu noqdaa mid daah-furnaan ah: dadku waa inay kalsooni ku qabaan sharciyadda natiijada ka soo baxaysa, isla markaana ay natiijadaasi noqotaa mid laga dhaqangeliyo dalka oo dhan, inagoo isticmaaleyna imkaaniyaadka iyo kaabeyaasha aan haysano oo dhan.

Waxaa iyana muhiim ah, in waxa ka soo baxa hanaankani ay noqdaan kuwo sare u qaadaya midnimada qaranka. Waxaa mar walba jiri doonta fursad lagu wada hadlo, balse ma jirto fursad lagu kala fogaado. Waxaa jiri doonta fursad ra’yi la isku dhaafsado, balse ma jiri doonto fursad hanaankaasi lagu siyaasadeynayo, iyadoo dano gaar ah laga leeyahay. Waxaa jiri doonta fursad lagu wadahadlo, balse ma jiri doonto fursad waxyaabo aan dan u ahayn shacabka iyo dalka lagu faakhido.

Shacabka Soomaalida waxay mudan yihiin inay guuleystaan, balse ma mudna inay dhex boodaan kuwo dantooda ay tahay inay dib u dhigaan oo qas wadeyaal ah.

Abuurka nabadda waa uu ka hanaqaadey Soomaaliya, shakina kama qabo inay xaaladda intaasi ka si wanaagsanaan doonto, oo aanu arki doono geedkii nabadda oo korey, isla markaana aan dhamaanteen ku harsan doono.

Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo oraneysa ‘’Sariirta ugu wanaagsan ee qof uu ku seexan karaa waa nabadda’’. Waxaan u mahad celinayaa qof kasta ee maanta halkan jooga, kuwaas oo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay naga taageeraan sidii qorshaha aan wadno uu u dhaqangeli lahaa, qof kasta oo Soomaali ahna uu ku manaafacaadi lahaa.

Waxaan idin kaga mahad celinayaa anigoo ku hadlaya magaca Soomaaliya, taageerada aad siineysaan Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, dadaalka ay ugu jiraan inay dalkooda ka dhaliyaan nabad, xasilooni, amni, sugidda xuquuqda aadanaha iyo horumar.

Mahadsanidiin.

gar_1

 

gar_2 gar_3 gar_4

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE