Kooxda Taalibaan Oo Dagaal Kula Wareegtay Magaaladii Xarunta U aheyd …..

Dagaalyahaano ka tirsan Kooxda Taalibaan ayaa dagaal culus kula wareegay Magaalada Kunduz oo ah magaalada ugu weyn oo ebed ay la wareegaan tan iyo markii laga tuuray Xukunka Dalkaasi.

Magaalada Kunduz ayaa ku taala Waqooyiga Dalkaasi waxaana sanadii 2001-dii ay xarun u aheyd Dowladii Taalibaan ee Xilka laga tuuray, waxaana shalay markii ay qabsadeen ay ka taageen Calankooda.

Dagaalyahaanada Taalibaan ayaa dhor jiho weeraro khorsheysan kaga qaaday Magaalada oo ay maamulayeen Ciidamao taabacsan Dowlada haatan ka jirta dalkaasi, waxaana ay sii daayeen maxaabiis ku jirtay xabsiyada magaaladaas oo ay qeyb ka ahaayeen kuwo ka tirsan Daalibaan.

Dowlada Afghanistan ayaa sheegtay inay hada wado abaabul ciidan oo ay ku dooneyso inay dib u qabsato magaalada Kunduz.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran