Maxakamada Jamhuuridda Soomaaliland Oo amartay In Xabsiga Lagu Sii Haayo Fanaaniinta Xidigaha

Maanta waxa maxkamada Sare ee Jamhuuriyadda Soomaaliland kasoo hormuuqday fanaaniinta xidigaha oo maalmo ka hor lagu xiray magaalada Hargeysa.

Maxkamada ayaa fanaaniinta ku eedeysay qodobo kala duwan oo ay ka mid tahay qiyaamo qaran maadaama ay ka tirsanyihiin Wasaarada Warfaafinta Soomaaliland oo fasax ahaan ugu maqnaa magaalada Neyrobi ee Dalka Kenya.

Waxa ay xeer-ilaalintu sheegtay in fanaaniinta iyagoo aan fasax qabin ay aadeen Muqdisho ka dibna ay kusoo tumeen bandhiga faneed ayna isku sawireen Calanka Soomaaliya.

Maxakamada ayaa amartay in fanaaniinta Xidigaha geeska xabsiga lagu sii haayo ilaa hal todobaad si loo soo dhameystiro cadeymaha eedeynta loo heysto.

Xariga afarta fannaan ee Xidigaha Geeska oo kala ah Nimcaan Hillaac, Xamdi Queen, Maxamed Axmed Baakaal iyo Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi ayaa waxa cambaareeyey dhamaan fanaaniinta iyo abwaanada Soomaaliya guud ahaan bahda Fanka kuna tilmaamay xarig sharci dara ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE