Shir Looga Hadlayo Fashilka Amni Ee Koonfur galbeed Ka heysta Shabeelada Hoose Oo Maanta ka Furmaya…..

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa saacadaha soo aadan lagu qaban doonaa shir looga hadlayo fashilka amni ee Maamulka Koonfur galbeed ka heysta Gobolka Shabeelada hoose.

Shirka ayaa sida la sheegay waxa ka qeyb gali doona Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Saraakiil ciidan oo isugu jira Soomaali iyo kuwa amisom.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku dhow dhow shirka Afgooye ayaa sheegaya in shirkan uu daba socdo shir hore uga dhacay isla Afgooye oo ay ka qeyb galeen Madaxda Dowlada fedaraalka iyo Madaxda Maamulka Koonfur galbeed iyo saraakiil Ciidan.

Waxaa lasoo sheegayaa in go’aan laga gaari doono dhowr arimood oo Maamulka Koonfur galbeed uu u arko inay caqabad ku yihiin shaqadiisa,sida sii kordheysa ee Shabaab, fashilka amisom iyo geedi socodkaii nabada ee beelaha ku dagaalamay Shabeelada hoose oo ay diideen Mooryaan dhulka kusoo duushay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran