Arday Badan Oo Ka Qalin Jabisay Jaamacadda Hargeysa Iyo Mas’uuliyiin Ka Qayb Galay Xafladda (Sawiro)

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, ayaa saaka ka qeyb galay Xaflada Qalin Jabinta Jaamacada Hargeysa.

Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xubno Kamida Golaha Wasiirada, Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida, Xubno ka socday Asxaabta Qaranka , Maayirka Caasimada, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Masuuliyiinta Hay’addaha maxaligaa iyo kuwa caalamigaa, Xafladan balaadhan oo ay ku qalin jabinayeen arday ku dhaw kun arday ayaa waxaa laga jeediyey khudbado kala duwan iyadoo si gaara loogu mahad celinayayey Maamulka iyo macalintiinta Jaamacada hargeysa sidoo kalena loogu hanbalyeynaayey Ardayda maanta qalin jabinaysay, waxaana halkaasi hadalo kasoo jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ku dheeraaday doorka jaamacada Hargeysa ku leedahay kobcinta iyo soo saarista dhalinyaro aqoonyahano ah kuwaas noo noqon doona Madaxda dalka ee Mustaqbalka.

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu soo afmeeray Munaasibadaasi ayaa halkaasi kasoo jeediyey hadal isugu jiray hanbalyo, Bogaadin iyo Dardaaran , waxaana uu ugu horaynba hanbalyo farxada qalin jabinta u diray Ardayda dhamaysatay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Hargeysa, sidoo kale amaan usoo jeediyey cidkasta oo gacan ku lahayd horumarka iyo taabo galka Jamaacada , Dhanka kalena wuxuu jawaabo adag ka bixiyey hadalo kasoo yeedhay qaar kamida Asxaabta Mucaaridka ah oo goobta ka hadlay isagoo kula dardaarmay inay dadka la hor yimaadaan barnaamij siyaasadeed oo ka duwan ka xisbiga talada dalka haya ee kulmiye, Dalkuna uu maraayo meel aad u wanagsan Xukumaduna ay wax badan qabatay balse waxa dhiman la dhamaystiri doono marka ay wakhtigeeda gaadho.

Madaxweye ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu halkaasi kula dar daarmay ardayda maanta ka qalin jabisay Jaamacada Hargeysa isagoo hoosta ka xariiqay inay yihiin Mustaqbalkii dalkan loona baahan yahay inay ka qeyb qaataan horumarka Dalkooda hooyo ka xumuumad ahaana ay ku dedaali doonaan wixii karoonkooda ah inay wax ka qabtaan baahiyaha dhalinyarada balse uu sheegay in loo midoobo hanaanka iyo horumarka dalka doorka kobcinta iyo shaqo abuurka dhalinayrada Somaliland.

 

Isha: Horn Cable TV

1 2 3 4 5 6 7

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran