Ciidamada Yahuuda Oo Warar Ku Qaaday Marinka Gaza

Diyaaradaha dagaalka ee Maamulka Yahuuda ayaa aroornumadii saake Gantaalo ku weeraray Xarumo ku yaala Marinka Gaza ee Dowlada reer falastiin.

Saraakiisha Yahuuda ayaa sheegay in ay ka jawaabayeen Gantaal xalay lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Yahuuda ee xooga ku jooga Dhulka Falastiin.

Diyaaradaha ayaa beegsaday goobo ay ku xooganyihiin Xoogaga difaaca ee Xamaas oo ay ku leeyihiin Gaza, waxaana jiray jug culus oo laga maqlay meelo badan oo ka mid ah Marinka Gaza iyo goobaha ku dhow dhow.

Ciidamada Yahuuda ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay ka hortageen weerarka gantyaal ka dib markii ay isaga difaaceen gantaalada wax difaaca.

Xamaas waxay sheegtay inaanay waxyeelo ka soo gaarin duqeymahaasi, ka markii ay isaga baxeen xarumihii ay weerarada ka gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Yahuuda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE