Ciidamada Dowlada Afgaanistaan Oo Dagaal rogaal Celin ah Ku qaaday Magaalo Dhawaan Lagala Wareegay (Sawiro)

Ciidamada taabacsan Dowlada Afgaanistaan ayaa daagal culus oo rogaal celin ah ku qaaday Magaalada afaraad ee ugu weyn dalka Afgaansiataan.

Magaalada Istaraatiijga ah ee lagu magacaabo Kunduz ayaa laba maalin ka hor waxaa dagaal kula wareegay dagaalyahaanada Taalibaan oo si aad ah u hubeysan waxaana dagaalkaasi ay kula wareegeen gaadiid dagaal, hub iyo agab looga shaqeenayey xafiisyada QM ee ay ku laheyd Magaaladaasi.

Dowlada Afgaanistaan ayaa ku hanjabtay in saasacadaha soo socad ay dib u qabsan doonaan Magaalada Kunduz oo noqotay Magaalada ugu weyn ee gacanta u gasha kooxda Taalibaan tan iyo markii laga tuuray xukunka Dalkaasi.

Waxa jira gurmadyo xoogan oo kala gaaraya Taalibaan iyo Ciidamad Dowlada, Dagaalka Ciidamada Afgaanistaan ay ku doonayaan inay dib kula wareegaan Magaalada Kunduz ayaa waxa ka qeyb qaadanaya Diyaaradaha dagaalka ee Mareekanka.

Kooxda Taalibaan oo dooneysay inay la wareegto Garoonka Diyaaradaha Maagalada ay dib u gurasho sameysay ka dib markii duqeymo lala beegsaday xilli qarka ay u saarnaayeen qabsashada Garoonka.

kunduz_1

kunduz_2 kunduz_3 kunduz_5

kunduz_6

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE