Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowlada Oo Lagu Dilay Duleedka Afgooye

Wararka ka imaanaya Duleedka Degmada Afgooye ayaa sheegaya in lagu dilay laba askari oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Muqdisho.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa waxay ku sheegeen in askarta la dilay ay ahaayeen kuwa dadka ku dhici jirey deegaanka Cumar Beere oo duleedka ka xiga Afgooye.

Majiro ilo madax banaan oo ka hadlay ama xaqiijinaya dilka shabaabku ay ku sheegeen in ay u geysteen askarta ka tirsan Ciidamada Dowlada, welina war rasmi kama soo bixin Maamulka Degmada Afgooye iyo kan Gobolka Shabeelada hoose.

Maleeshiyada Dowlada Muqdisho oo ayaa inta badan lagu ugaarsadaa goobaha ay kaga suganyihiin Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE