Daawo Madaxwenaha Zimbabwe “Obama Muxuu Uga Hadli Waayey Xuquuqda Sahacabka la heysto Falastiin”

Madaxweynaha Dalka Zimbabwi oo mudo dheer ay saarantahay dalkiisa cunaqabateen dhaqaale oo ay kusoo rogeen dalalka reer galbeed ayaa eedeyn kulul u jeediyey Wadamo uu ku tilmaaay inay isku moodaan inay ka sareeyaan Dunida inteeda kale.

Robert Mugabe ayaa usoo jeediyey dowladaha xulafada la ah Mareekanka in ay iska daayaan culeyska ay saarayaan wadamada soo koraya ee Caalamka iyo faragelinta ay ku hayaan siyaasadahooda gudaha iyo tan dibada.

Madaxweynaha Zimbabwe ayaa sheegay in dalkiisa oo aan wax dembi ah gelin la saaray cunaqabteyn dhaqaale oo ay ka dambeeyeen wadada Mareekanka iyo kuwa Yurub.

Mr Mugabe ayaa ugu dambeyn weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Mareekanka oo uu ku eedeeyey in qudbadiisa uu uga hadli waayey dhibaatada Shacabka la heysto reer Falastiin, wuxuuna kalimad adag uu ku sheegay in uu taageersanyahay jiritaanka Dowlad ay leeyihiin Shacabka Falastiin.

Daawo

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE