Deg Deg Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo La Sii Daayey

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Jamhuriyadda Soomaaliland ayaa sheegaya in goor dhow xabsiga laga sii daayey Fanaaniinta Xidigaha Geeska.

Maxkamada Sare Ee Hargeysa Oo Amar Ku Bixisay In Maanta La Sii Daayo Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ayaa War hadda soo dhacay sheegaya in  cafis loo fidiyey Fanaaniinta oo kala ahaa-

Nimcaan Hilaa.

Xamdi Qu’een

C/raxmaan Oday

iyo Maxamed Ciro.

Golaha Wasiirada Soomaaliland ayaa xalay kulan ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa ku kala aragti duwanaaday sida laga yeelayo kiiska Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo mudo afar maalin ah ku xirnaa xabsi ku yaala Hargeysa ugu dambeyna maanta lasii daayey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE