Dhegeyso Maamulka Degmada Qoryoole Oo Ka Warbixinaya Xaalada Degmadaas

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Qoryoole ee Gobolka Shabeelada hoose Maxamed Xaaji Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay xaalada Degmada tan iyo markii dhawaan ay weerar ku qaadeen dagaalyahaano ka tirsan Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xaalada ay hada tahay mid degen degmadana ay kasoo kabaneyso raadadka dagaalada iyo dhibaatooyinka xaga amaanka oo uu tilmaamay in wax badan lagu guuleystay.

Waxa uu intaa raaciyey Ciidamada amisom iyo kuwo madaniga ah ee halkaasi jooga ay sameeyaan roondo ay ku xaqijinayaan amaanka Degmada.

Inta badan Degmooyinka hoos taga Degmada Qoryoole ayaa waxa maamula Dagaalyahaanada Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE