Gudoomiye Xasan Cumarey Oo Xabsiga U Taxaabay Mooryaan Uu Dhalay Maamulka Hormuud

Gudoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumarey ayaa xabsiga waxa uu dhigay Mooyaan uu dhalay Maamulaha Shirkada isgaarsiinta Hormuud Laanteeda Marka C/kariin Shiino.

Mooryaaka ayaa magaciisa lagu sheegay Qoslaaye oo ka mid ahaa Mooryaanta degen dhismaha Burcad badeeda ee ku yaala Wadada wajeer oo ay degenyihiin Maleeshiyada Kaaba Mooryaan Cali Nuure.

Mooryaan Qoslaaye C/kariin Shiino ayaa laba maalin ka hor eeriyada Isbitaalka Marka dhac ugu geystay gaariga qaadka oo uu ka qaatay hal jawaan qaad (jaad) oo ay laheyd marwada Gudoomiye Xasan Cumarey.

Qoslaaye ayaa gaariga qori ku qabtay waxaana darawalka uu weydiistay in uu soo saaro Jawaanka ay leedahaya Marwada Gudoomiyaha islamarkaana dhabarka uu saartay jawanka qaadka.

Gudoomiyaha ayaa qab qablayaasha habar gidir u gudbiyey dacwad uu ku sheegayo sida gaar ahaaneed ee loola beegsaday marwadiisa, waxaana ay u sheegeen in Mooryaanta ay hoostagaan Cali Nuure uuna dacwada u gudbiyo maadaama ay wdadyihiin Maamul ayna ka madaxbanaanyihiin qab qable.

Gudoomiyaha ayaa Kaaba Mooryaan Cali Nuure weydiistay in uu usoo gacan geliyo Mooryaanka dhaca geystay, waxaana shalay Saldhiga Marka lagu xiray Mooryaan Qoslaaye C.kariin Shiino.

Gudoomiye Xasan Cumarey ayaa ku hanjabay in aan la deyn doonin Mooryaankan ilaa laga soo magaayo qarashaka Jaadka.

Maahan markii ugu horeysay oo jaad lagu dhaco agagaarka Isbitaalka Marka oo ay joogaan Mooryaanta dhul boobka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE