Maamulka Marka Oo Ka Gaabsaday Inuu Faafaahin Ka Bixiyo Dhac Loo Geystay Dhismaha Maxkamada Maamulka

Gudoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumarey ayaa ka gaabsaday in warbaahinta uu faafaahin ka siiyo dhac kooxo Mooryaan ah ay u geysteen dhismaha Maxkamada Degmada oo ku taala dhabarka dambe ee Saldhiga.

Mooryaan ka tirsan maleeshiyada Milateriga ayaa fiiqday Jilli ku daboolnaa dhismaha Maxkamada, waxaana maamulka uu sheegay in haatan aanu ka hadli karin arinta jilliga la fiiqday.

Maalintii shalay ayey aheyd markii laga warhelay dhismaha Maxkamada oo laga fiiqday Jilligii saarnaa.

Tan iyo markii Maamulka Marka uu tagay ayaa waxa jiray falal kusoo kordhay Magaalada oo ay geysanayaan Mooryaanta magacyada kala duwan ku joogta Marka, waxaana jirin isku day uu sameeyey Maamulka si ay u joojiyaan ficilada ay ku kacayaan Mooryaanta.

Maamulka Xasan Cumarey ayaa u muuqda mid kasban waayey kalsoonida shacabka si uu ugu guuleusto caqabadaha maamulkiisa ku hor gudban.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE