Odayaal Oo Isku Howlay Joojinta Xiisadaha Kasoo Cusboonaaday Deexda Bari Ee Saliini

Odayaal dhaqameed kasoo kala jeeda Beelaha Biimaal iyo Abgaal ayaa kulan ku yeeshay Deegaanka Muuri oo ka tirsan Degmada Nambar 50 ayaa ka wada hadlay joojint xiisad kasoo cusboonaatay Deegaanada ku yaala Deexda.

Odayaasha ayaa ka xumaaday xiisada sii kordheysa ee u dhaxeysa beelaha Biimaal iyo Abgaal oo dhawaan dilal ay isugu jawaabayaan ka geystay Saliini iyo Balafley, waxaana ay sheegeen in loo baahanyahay sidii lagu soo afjari lahaa colaadaasi.

Waxgardka kulanka qaatay ayaa isku raacay in gudi loo saaro xiisadaasi maadaama haatan aan loo baahneyn colaad horleh oo deegaanka laga sii abuuro.

Mid ka mid ah Odayaasha kulanka yeeshay oo la hadlay Markanews ayaa daboolka ka qaaday in kulamo looga arinsanayo sidii looga wada hadli lahaa waxa dhaliyey colaadaasi iyo sida looga wada xaajoon lahaa dhibka dhacay ay yeelan doonaan maalaha soo socda.

Seddax maalmood ka hor deegaanka Saliini ee duleedka Buushaka ayaa waxa ku murmay xoolo dhaqato halkaas wada degen, waxaana jiray gacan ka hadal sababay dhimasho iyo dhaawac halkaasi ka dhacay.

Waxaa sidoo kale jira fal daba socda gacan ka hadalkaasi oo sababay in dil loogu geysto Wiil dhalanyara ah oo ku noolaa Deegaanka Balafley.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE