Dhegeyso Wasiir Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo Sheegay in Tababar Loo Furay Ciidamo sugaya

Maamulka Shariif Xasan Sheekh Xasan ayaa sheegay in qaar ka mid ah Degmooyinka Maamulkooda hoos yimaada laga furay tababar Ciidan oo la siinayo Askar loogu talagalay inay ka qeyb qaataan Sugidda amaanka.

Wasiirka dhaqan celinta, hub ka dhigista iyo tababarida Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen  Maxamed ( Xasan Eelaay) ayaa sheegay in Ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan sidii dib gacanta Maamulka loogu soo celin lahaa Degmooyinka ay maamulaan dagaalyahaanada shabaab.

“Dowladda Konfurgalbeed oo kaashaneysa dowladda Federaalka ah waxa ay tababaro furtay ciidamo maamulka uu ugu talagalay sugidda amniga, ciidankaasi tobanka degmada ee labada gobol ayay tababaro uga socdaan, runtii kalsooni badan ayaan ku qabnaa in ciidankan markii uu tababarka u soo idlaado ay wax badan ku soo kordhiyaan xagga amniga” ayuu yiri Xasan Xuseen Eelaay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan dhalanyaro kasoo goostay Dagaalyahaanada shabaab oo isku soo dhiibay maamulka Koonfur galbeed oo ay qaabileen.

Inta badan Madaxda iyo Waiirada Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheega in tababar loo furay Ciidamo loogu talagalay la dagaalanka amni darada iyo soo celinta Degmooyinka maqan ayaa hadana waxan jirin hormar la taaban karo oo maamulka uu u qaadayo dhanka la dagaalanka Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE