Madasha Wadatashiga Wixii Looga Wada Hadlay (Xog hoose)

Waxaa shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Shir u muuqda Madadaalo iyo sheeko loo jilayo shacabka Soomaaliyeed oo ka dhursugaya shirarka ay isugu imaanayaan Madaxda Dowlada, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Shirkii shalay waxa laga soo saaray qodobo kala duwan oo la sheegay inay isku afgarteen dhamaan ka qeyb galayaasha Shirka loogu magac daray Madasha Wadtashiga qaran.

Waxaa la helayaa xog ku saabsan waxa sida hoose looga hadlay shirka Muqdisho ka dhacay, Maamulada qaarkood ayaa ka biya diiday ajandayaasha ay wataan kooxda Xasan Sheekh si markale ay ugu suuragasho inay kusoo laabtaan talada dalka.

Maamulada qaarkood ayaa la dhacsan ajandayaasha maadaama qaab xulefeysi ahaan ay isku garabsanayaan iyaga iyo Xasan Sheekh oo hal meel dan ka wada arkay.

Waxa miiska saran ilaa afar nooc oo doorasha ah oo aan weli go’aan laga gaarin iyo hal qorshe oo aan si buuxda loo soo bandhigin, kuwaas oo kala ah..

1.Nidaamkii 4,5

2.Nidaamka Xisbiyada

3. In 18 ka Gobal laga soo doorto Baarlamaanka

  1. in Degmooyinka lagasoo doorto
  2. in Dad gaara ah inta lasoo xulo ay doortaan Madaxweynaha qodobkan ayaa sidaa u xoog badneyn laakiin qorshaha ku jira.

Kooxda Madaxweynaha ayaa dadaal ugu jirta in la siiyo waqti kordhin mudo laba san ah, hadii taas la waayana bedelkeeda ay wataan in markale doorashada dalka ay u dhacdo sidii hore si lamid ah ama nidaamka 4.5 oo horey loo baa’bi iyey.

Maamul goboleeyada dalka ka jira oo qaarkood aan ku imaan nidaam xalaal ah sida Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ayaan weli cadeyn mowqifka ay ka qabaan nooca doorasho ee dalka laga qaban doono.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE