Maxay Tahay Sababta Puntland Iyo Axmed Madoobe Ugu Mintidayaan In La Tuuro Nidaamka Beelaha 4.5 (Warbixin)

Waxaa maalmahaan  4 degmo oo Somalia ka tirsan ka socday shirar lagu sheegay “Madasha Wadatashiga Qaranka ” taas oo looga hadlayey hannaanka doorashada 2016-ka. Magaaloyinka Baydhabo, Garoowe, Kismaayo iyo Cadaado ayaa lagu kala qabtay shirarkan, waxaana laga soo saaray go’aano la xiriiro qaabka ay noqon doonto doorashada 2016-ka.

Maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ergooyinkooda ku shireen magaalooyinka Cadaado iyo Baydhabo ayaa go’aamiyey in Baarlamaanka federalka ee la dhisi doono 2016-ka lagu soo xuli doono nidaamka 4.5.

Dhanka kale, Mamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagana ergooyinkoodii ku shiray Garoowe iyo Kismaayo waxay go’aamiyeen in Baarlamaanka Soomaaliya loo dhisi doono 2016-ka lagu saleeyo hannaanka degmooyinka iyagoo si cad u sheegay in degmooyinka laga soo dooran doono Baarlamaanka ay ku koobnaan doonaan oo kaliya degmooyinkii uu magacaabay maamulkii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre hogaaminaayey.

 

Puntland iyo beesha Axmed Madoobe ee faro maroojisatay madaxtinimada Jubbaland ayaa fursad u arko in Baarlamaanka federalka 2016-ka lagu soo xulo degmooyinkii Maxamed Siyaad Barre aqoonsaday, halka maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay aminsan yihiin in degmooyinkii la aqoonsaday xiliga Siyaad Barre aysan cadaalad ku dhisneyn sidaas darteed waxay door bidayaan in la raacdo nidaamka beelaha ee 4.5.

Waxay u muuqataa in Puntland iyo Jubbaland looga adkaaday hardanka siyaasadda iyo nidaamka Baarlamaanka Federalka lagu soo xuli doono doorashada 2016-ka.

Maamulkii dowladdii dhexe ee Siyaad Barre ayaa si weyn loogu xantaa inuu gobollo iyo degmooyin u aqoonsaday  beelo gaar ah halka beelaha kalena magaalooyinkii ay deganaayeen laga reebay inay helaan miisaaniyad degmo iska dhaaf inay gobol helaan.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran