Abuu Cabdalla “Anaga Hadafkeena iyo Meesha aan U Socona Way Inoo Cadahay, Mana Ogolaaneyno In Nala Kala Qeybiyo”

Gudoomiyaha Dagaalyahaanada Shabaab ee Gobolka Shabeelada hoose oo dhawaan warbaahinta ay baahisay in lagu dilay duqeyn diyaaradeed ayaa waxa uu ka hadlay Mid ka mid ka mid ah Masaajida Gobolka.

Sheekh Abuu Cabdalla oo kalimad dheer jeediyey ayaa ka horymid kala qeybin iyo tafaraaruq laga dhex abuuro xarakada dhexdeeda, waxaana uu sheegay in hal meel looga soo wada jeesan doono.

“Cid alla cidii kala qeybineysa Mujaahidiinta kuna xad gudbeysa Midnimadeena ama dooneysa in fidna ka dhex abuurto shabaabka dhexdooda aan la aqbali karin, dhinac ayaan uga soo wada jeednaa waan iska dhicineynaa waana go’aan cad” ayuu yiri Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Shabeelada hoose.

Abuu Cabdalla ayaa waxa uu ka sheekeeyey midowgii ururadii islaamiga ahaa ee ka dagaalami jiray Soomaaliya, waxaana si cad uu u sheegay in Maalintii Afgooye lagu qabtay xafladii ay ku midoobeen Shabaab iyo Xisbul islaam ka dib aan la aqbaleyn kala jab leyskana dhicin doono.

“Anaga hadafkeena iyo meesha aan u socona waa inoo cadahay, khilaafo islaami ah ayaan rabnaa insha allah waqtigeeda ayaan gaari doonnaa, Ninkii doonayo aniga jabhad hebel ayaan ka tirsanahay, ani raaya hebel ayaan wataa afaarahaas afaaro agteena ka soconaya maaha, ninkii barnaamijkaas watow wallaahi qoortaa laga gooynayaa” ayuu yiri Abuu Cabdalla.

Ugu dambeyntii Wakiilka Alshabaab ee Gobolka Shabeelada ayaa cadeeyey in shabaab laga hor wareejinayo cidii kala gooneysa, waxaana uu ku sheegay go’aankaas mid guud.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyey ay soo baxayeen warar kala duwan oo sheegayey in shabaab ay ku kala aragti duwanaadeen ku biirisata Kooxda Daacish.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE