Ciidamada Cirka Turkiga Oo Soo Riday Diyaarad Dagaal Oo Ruushka Leeyhay Oo Suuriya Duqeyneysay

Ciidamada Cirka Dowladda Turkiga ayaa sheegay in Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka ay soo rideen kadib markii ay ku soo xadgududbtay Jawiga Turkiga.

Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in diyaaradda dagaalka Ruushka ay 10 jeer siiyeen digniino muddo 5 daqiiqo gudahooda iyadoo digniinadaasi iska indho tiray.

2 diyaarad dagaal oo ah nooca F16 ee dalka Turkiga ayaa ku baxay oo dhulka soo dhigay diyaaradda Ruushka oo duqeyn ku waday deegaano ku yaalo waqooyiga Suuriya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran