Gedo Oo Calanka U Sida Midnimada Dawlad Goboleedka Jubaland

Ma ogtahay akhiristoow in burburkii dalka soomaaliya dawladii dhexe 1991 dii kadib ay Gedo kamid noqotay meelaha uugu liita dalka soomaaliya marka la eego dhanka,maamulka,wax barashada,dhaqaalaha, amaanka. mase ogtahay in gobolku yahay gobolada dalka kuwooda uugu khayaraadka badan dhanka beeraha,xoolaha,ganaacsiga intaba in uu ku haboon yahay qanina ku yahay. hadaba dhulbarwaaqa ahi waxba matarayo kol hadii dadkiisu aysan fahan sanayn inay ka faa iidaystaan oo hormariyaan. gobolka waxaa mudo ka taagnaa qalalaaso siyaasadeed oo aan dan u ahayn dadka gobolka. waana nasiib daro inteeda la ekayd.

Hadaba markii qoom illaahay bad baadinayo waxa uu usoo diraa rag ku haboon kana saara dhibaatada. waxay dadku helaan isu tanaasul,is qadarin, iyo wada jir tanoo keenta hormar sida maanta gedo gaartay oo kale.Waxaa maanta soo noqday sharafkii iyo karaamadii iyo muuqaalkii iyo haybadii reer gedo iyo guud ahaan dadka ku abtirsada. Adeer meel aan maamul jirin sharaf malaha,dhaqaale malaha,hormar malaha. Maanta gedo waxay leedahay maamul,waxay leedahay kala danbayn,waxay leedahay dhul aad u baaxad wayn oo ah Jubaland. Maanta gedo cidna ma hawaysan karto waxay leeyihiin cudud ay kamid yihiin oo ah dawlada jubaland oo ay hormuud kayihiin.

Waxay utahay gedo iyo dadkeeda sharaf,dadnimo,nolol iyo mustaqbal wanaagsan, waynu ku amaanan yihiin waligoodba midnimada iyo dhisitaanka ay sida qiimalaha uuga qayb qaateen dawlada jubaland oo ah dadkoodii iyo dalkoodiiba. Aadamuhu ama bulsho waxay hormartaa markay isu tagto waxayna baabadaa markay kala tagto oo ninba meel istaago.maanta gedo waa mid gudahooda,jubaland oo ay kamid yihiina waxay lagarab istaageen midnimo waana ku mahad sanyihiin aqligaa fog ee saliimka ah waana maslaxada guud ee jubaland oo dhan. waxaana arintaa ka shaqeeyay taariikhduna ay xusaysaa guud ahaan shacabga gedo gaar ahaan hogaamiyaha qaaliga ku ah reer jubaland oo dhan waa Genaraal fartaag iyo dhamaan raga lasocda ee la fikirka ah.

Genaraalka waa jecelahay hal qodob oo kaliya ayaan ku jecelahay waa hogaamiye jecel walaal nimada midnimada iyo in ay jubaland ahaato ul iyo diir waa nin aad u fahan san wada jirka anana waa aamin sanahay raalina waa kanahay hadaanahay dhamaan shacabka nabada iyo wada jirka jecel ee jubaland.

Ha ogaadaan  dadka jubaland nina kaligii waxba ma noqon karo wada jirka ayaynu ku nahay wax. waana in la adkeeya midnimada iyo wada jirka kursiga iyo cidii rabta inay farasiito way gaari maalin maalmaha kamid ah nin iyo nasiibkiis laakiin kursi waxaa kawayn wada jirka maxaa yeelay hadaan lawada jirin kursi miyaa jirayaba??

Jubaland way ka duwan tahay gabolada kale wayna ka dhulwayntahay kana barwaaqo badan tahay markaa dadku waa in ay fahmaan arkaana waxa ay haystaan. dadkana hafahmaan noloshu maha uun dhawr nin oo kursi fadhida ee nolashu waa in dadku helaa amaan ganaacsi waxbarasho dadku isagaa qabsan xirfado kala duwan ee dawlad buu rabaa sugta uun amaanka. maanta gedo waxaa ka muuqda haybad iyo sharaf malahayn shalay rag baa u kacay rabina waa aqbalay guul weeye hanbalyo iyo abshir weeye.

                         Gaba gabo
Ma ilaawayno waligeen Genaraal fartaag.ma ilaawayno sharafka ay sameeyeen reer Gedo iyo wada jirka ay kaalinkoodii kasoo dhalaaleen.maanta mustaqbal baa larabaa lagaarsiiyo gobolada iyo dagmooyinka jubaland hormar baana la tiigsanayaa.wadajirka aan ka hormarino wax walba si aynu ugaaro nabad iyo nolol xasiloon.gobolada kale ee jubaland haku daydaan gedo.dawlada jubaland wax u rajaynayaa in ay dadka u jiheeyaan beeraha iyo bada amaankana hala adkeeyo. shacabku ha u jeedsado beeraha iyo bada fadhiga halaga kaco shaqo haloo dareero si aynu ugaaro isku filaasho qofkasta oo jubaland u dhashayna u helo shaqo iyo nolal waa in la shaqaystaa. lamaal galiyaa bada iyo beeraha.

 

WQ: Yuusuf Omar

Email: mashruuc5@hotmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE