Madaxweynaha Ruushka Oo Sheegay In Cawaaqib Xun Ay Ka Dhalan Doonto Diyaaraddii Maanta Ciidamada Turkiga Soo Rideen

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in diyaaraddii maanta Turkiga soo riday aysan gelin hawada dalka Turkiga, wuxuu sheegay madaxweyne Putin in diyaaradooda ay ka fogeyd xuduudda Turkiga 2 KM waxayna ku dhacday markii lagu soo dhuftay meel 4 KM u jirto xuduudda Turkiga oo ah gudaha dalka Suuriya.

Madaxweyne Putin ayaa ku nuuxnuuxsaday in diyaaradda la soo riday ay ka dhalan doontoo Cawaaqib aad u xun taasoo uu ku micneeyey in xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Ruushka uu aad u xumaanayo.

Ra’iisulwasaaraha Turkiga Axmed Daauud Oglu ayaa sheegay in dalkiisa uu xaq u leeyahay inuu hawadiisa ka difaacdo cid walbo oo ku soo xadgudubto.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Pilot-yada diyaaraddii Ruushka ee maanta la soo riday loo digay in ka badan 10 jeer mudo 5 daqiiqo ah iyagoona ka madax adeegay fariimaha digniinta ee uga imaanaayey ciidamada Turkiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran