Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Feysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Siyaasiyiinta Somaliland Ee Muqdishu Ku Sugan Fikirkooda Xor U Yihiin

Eng. Feysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo in dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ay xor u yihiin inay dhiibtaan fikirkooda iyadoo aanay mataleynin shacabka Somaliland.

Isagoo wareysi siinayey warbaahinta Muqdishu wuxuu yiri “Somaliland wixii Khuseeya ee dan ka leh Muqdisho ma tagaan ee magaalada Hargeysa ayey yimaadaan oo ah Caasimada Jamhuuriyada, dadka jooga Xamar asal ahaan Somaliland ayay ka soo jeedaan, xaq bey u leeyihiin inay meeshey doonaan tagaan, fikirkooda iyo ra’yigooda ay dhiibtaan, laakiin ma ahan go’aan Xisbi Somaliland oo kale”.

Sidoo kale Eng Feysal Cali Waraabe ayaa ku dhiiriyey siyaasiyiinta Somaliland ee Muqdishu ku sugan inay iska fogeeyaan nidaamka 4.5 taasi bedelkeeda ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya wax ugu qaybsan lahayd Koonfur iyo Waqooyi.

Maalmo ka hor Shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid bulshada ka soo jeeda Somliland ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas looga hadlayay hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2016-ka iyo nooca doorasho ee la qaadan doono.

Gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa ka dhacay shirar lagu uruurinayo aragtida shacabka ee ku aadan nooca doorasho ee laga qaadanayo sanadka 2016-ka, waxaana la filayaa kulamada wada tashiyada socda go’aanada ka soo baxa la soo bandhigo bisha December ee soo socda.

Somaliland waa dowlad  gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale, isla markaana muddo 25-sano lahayd nidaam dowladnimo kala dambeyn leh, iskuna filan isla markaana amni ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE